Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadallada Korneyl Caare iyo Xukuumadda

Ceerigaabo (OWN) ― Waxgaradka iyo Odayaasha beelaha Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxay isku soo jiid iyo waan-waan ka dhex wadeen Jabhada Kornayl Caare iyo Xukuumada Somaliland, taasi oo muddooyinkii dambe hakad galisay dagaalkii labada dhinac.

Suldaan Axmed Cismaan [Cade-gude] oo kamida Madax-dhaqameedka waan-waanta ka dhex waday labada dhinac ayaa ka warbixiyey halka ay marayaan dhex-dhexaadinta ay ka dhex wadeen xukuumada Somaliland iyo Jabhada Korneyl Caare.

Suldaanka ayaa sheegay in Jabhada Korneyl Caare ay isku af-garteen in xiisada kala dhaxeysa xukuumada Biixi ay wada-hadal ku dhameeyan, isla markaana ay dhinacooda ka jirin wax caqab ah oo sii hurinaysa xiisadaasi.

Suldaan Cade-gude ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in xalka kama dambeysta ah ee xiisadaasi uu gacanta ugu jiro Madaxweynaha Somaliland oo hadda dalka Sacuudiga ugu maqan gudashada acmaasha Xaj-ka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker