Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin Xukuumada usoo jeediyay inay la heshiiso Jabhadda Kornayl Caarre

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay xiisada dagaal ee ka dhex aloosan Xukuumada Somaliland iyo Jabhada uu hogaamiyo Korneyl Caare.

Daahir Rayaale ayaa sheegay in xalka lagu dhameyn karo colaadaasi dagaal uu yahay ‘Heshiis’, isla markaana xukuumada Biixi looga baahanyahay inay la heshiiso Jabhada Korneyl Caare.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale ayaa sidoo waxa uu ka hadlay beelaha ku dagaalsan deegaanada Ceel-Afweyn, isagoona si guudna uga hadlay xaalka ay hadda mareyso Somaliland, wuxuuna yiri “Waxaan ku talinayaa halaga heshiiyo wax kasta oo khilaaf ah”.

“Dalku waa khayr ee alle haw siyaadiyo wixii khilaaf ah ee aan dadka waxba u tarayna halayska daayo, khilaafka ilaahay ayaa inagala dardaarmay oo umada waxba uma taro, khilaafka halayska daayo oo umadu ha noqoto kuwo iska reeba xumaha iskuna waaniya samaha”.

Waxaan ku talinayaa in Caare iyo cid kastaba heshiis lagu dhameeyo arrimaha meeshaas ka taagan, madaxweynuhu isaga ayaa dalka ugu sareeya ee waa in wax kasta maarayn karo oo uu nabada ku soo dabaali karo uu ku soo dabaalo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Mida kale Arintasi waa musiibo umada ku dhacday wax loo baahan yahayna maaha, waxaan umadaas kula talinayaa dad walaalo ah ayaad tihiin oo ma kala guuraysaan aniguna deegaankaas waan aqaanaa”

Mar hadaydaan kala guurayn oo ilaahay iskiin baday inaad iska daysaan dilka iyo dhagarta uu ilaahay inka mumnuucay oo aad walaalowdaan oo aad isa saamaxdaan weeyaan”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker