Madaxwayne Ku xigeenka Soamliland oo Cambaareeyay Dilka 7 Qof ee 4 ka midihi ay yihiin Haween

Deegaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag waxaa wali ka taagan colaad la xalin waayay oo u dhaxeysa labo beelood oo halkaasi wada dega, colaada ayaana marba marka ka dambeysa wajo cusub sii yeelaneysa.

Maleeshiyaad hubeesan ayaa shalay deegaanka Ceel Afweyn ku dilay 7-qof oo shacab ah oo afar kamid ah dumar ahaayeen , dilkan ayaana dhaliyay caro xoogan oo ka timid shacabka iyo maamulka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa cambaareeyay falkan lagu laayay afarta haweenka iyo sadexda raga ah, waxa uuna tacsi u diray ehelada dadkii ay ka geeriyoodeen dadka la laayay.

Saylici ayaa sheegay in Ciidamada amnigu ay gacanta ku soo dhigeen qaar ka mida dablaydii geysatay fal-danbiyeedkaa foosha xun, laguna daba jiro intii kale, waxa uuna xusay in ay socdaan hawl-galka lagu baadi goobayo hadhaaga.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland ayaa ugu baaqay ehelada dadkooda ku waayey falkaasina inay dejiyaan xaaladooda kana war-sugaan hawl-galka ciidamadu wadaan si dadkaasi dilka geestay sharciga loo horgeeyo.

Waxa uu amray Madaxweyne ku xigeenku ciidamada amaanka iyagoo gudanaya waajibaadkooda inay sugaan nabadgelyada deegaankaasi, cid kasta oo falal amni daro ku hawlana ay gacan bir ah ku qabtaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker