GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA QURBAJOOGGA SOMALILAND OO HAMBALYO U DIRAY JAALLIYADAHA SOMALILAND MUNAASIBADDA CIIDDA CARRO 2019

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL oo ku hadlaya magaciisa, iyo ka dhammaan ka shaqaalaha Hay’adda Qurbajoogga waxa uu munaasibadda Ciidda Islaamka CIIDDA CARRAFO Hambalyo u dirayaa dhammaan jaalliyadaha Somaliland ee ku baahsan wadamada caalamka, waxanu u dhignaa War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiska Hay’adda Qurbajogga oo hambalyadan ku saabsani sidan.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan shaqaalaha Xafiiska Hay’adda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, waxa aan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa dhammaan bulshada Somaliland iyo umadda islaamkaba, goleyaasha sharafta leh iyo Ciidamada Qaranka JSL. Si gaar ah, waxa aan hambalyo gaadhsiinayaa farxadda Munaasibadda Ciidda Islaamka ee Ciidal-Odxa awgeed dhammaan muwaadiniinta Qurbajoogga Somaliland ee jaalliyadaha ee ku baahsan wadamada qaaradaha adduunka oo dhan, gudiyada kala duwan ee qurbajoogga, mutadawaciinta, iyo dhammaan Wakiillada Somaliland ku metelaya wadamada caalamka, qoysaskooda iyo shaqaalahoodaba. Waxa aan Ilaahay innooga baryayaa inuu ciidda ciiddeeda innagu gaadhsiiyo caafimaad qab, horumar, bash iyo barwaaqo, nabadgelyo, ictiraaf buuxa iyo himilooyinka qaranka dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland oo aan gaadhno Insha Allaahu Tacaalaa”.

 

 

Allaa Mahad Leh

Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)
Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL
Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL
Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland
10/08/2019

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker