Shirkadda Daabacadda Casriga Ah ee SAGALJET Ayaa Magaaladda Hargaysa Kusoo Bandhigay Buugga Sooyaalka Fanka Hoboladda JABUUTI.

Hargaysa:(OWN)-Munaasibadda bandhiga Buugga ayaa waxa kasoo qeyb-galay dad iskugu jira; Siyaasiyiin,Wax-garad,qorayaal iyo Marti-sharaf badan oo iskugu jiray shucuubta Labadda dal ee Jabuuti iyo Somaliland.

Buggan oo uu qoray Cabdalle Xaaji Cismaan,ayaa waxa uu ku duuggan Sooyaal badan oo dhinaca Fanka ee Dalkaasi ah.

Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda Daabacadda Casriga ah ee SAGALJET,Sacad Cabdi Daahir oo ugu horayn halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay shirkaddu adeegyo kala duwan oo ay daabacadda Buugaagtu ka mid tahay ay bixiso,isla-markaasna ay daabacaday Buugaag badan oo caan ah,soo saarista Buugan ay muujinayso siday Shirkaddu ugu fidisay Adeegyaddeeda Dalalka Jaarka ah oo ay Jabuuti ka mid tahay.

 

Cabdalle Xaaji Cismaan,qoraagga Buugga Sooyaalka Fanka iyo Hoboladda Jabuuti oo isna halkaasi ka hadlay,ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii ku kallifay inuu buugga noocan ah qoro,isaga oo sheegay inuu muddo dheer ku taamayay,maadama uu xiliyo badan kusoo jiray shaqadda Radio-ga Tv-ga Jabuuti.

Waxa kale oo uu sheegay inay arrintani si aad ah uu ugu sii dhiiraday ka markii uu la-kulmay Arday Reer Jabuuti ah oo Jaamacaddaha ka qallin-jabinaya,kuwaas doonayay inay wax-ka-qoraal Sooyaalka Bahdii Fanka ee Dalka Jabuuti.

Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale iyo Dr. Adna Aaddan Ismaaciil oo iyaguna halkaasi ka hadlay,ayaa muujiyay Muhiimadda uu buugani u yeelan doono Jiilalka danbe.

Dhinaca kalena,waxa si weyn ugu mahad-naqeen qoraagga Buuga iyo Shirkadda Daabacdayba.

 qorayaal ,abwaano iyo marti-sharaf kale oo halkaasi ka hadlay,ayaa shirkadda Daabacadda Casriga ah ee SAGAL-JET ku bogaadiyay garab-is-taaga ay la-dhinac joogto bahda qallinlayda.

Safiirka Jabuuti ee Somaliland,Xuseen Cumar Kawalaaiye oo halkaasi gabo-gabaddii halkaasi ka hadlay,waxa uu dhalinyaradda usoo jeediyay inay wax-qoraan,waxaana uu bogaadiyay qoraagga Buugga.

HALKAN KA DAAWO

Image may contain: 8 people, people sittingImage may contain: 1 person

Image may contain: 1 person, textImage may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 1 person, eyeglasses and beardImage may contain: 1 personImage may contain: 1 person, suit and textImage may contain: 1 personImage may contain: 1 personImage may contain: 6 people, beardImage may contain: 6 peopleImage may contain: 7 people, people smiling, people standingImage may contain: 1 person, on stage and standingImage may contain: 1 person, text

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker