Sheeko-Xiiso Leh:Lamaanne Is-calfaday Ka Dib 50 Sanno Oo Uu Xidhiidh Jacayl ka Dhexeeyay.

Dalka Gaana Todobaadkan,waxa ka dhacday Sheeko soo jiidatay Ra’yul Caamka Dunidda,ka dib markii Munaasibad laysku arkay loo dhigay Lamamane da’doodu kala tahay 96 JIR iyo 93 Jir,kuwaas oo nolasha ku midoobay ka dib 50 Sanno oo ay Sheeko-wadaag ahaayeen.

James Andorful iyo Margaret Manuel,ayaa munaasinadda Arooskooda waxa lagu tilmaamay mid ka mid ah dhacdooyinka Dunidda ee mar la araga ah.

Reverend James Oko Barnor,Wadaadka Kiniisadda Caanka ah Church Pentecost,waxa uu leeyahay sannadihii ugu danbeeyay Kiisaska ugu badan ee nasoo marayaa waxay ahaayeen Furniino aan xad lahan oo ay qoysas badan ku bur-burayaan,balse dhacdadani waxay muujinaysaa sida uu guurka muhiimka ugu yahay inay Labadda qof ay Xidhiidh dheer yeeshaan,si labadda ruux isu-dabeecad fahmaan.

Labiska dharka cad-cad,ayaa loo xulay lamaanaha inay xidhnaandaan inta Xafladda Arooskoodu socoto,sidoo kale waxa iyaguna dharkaas oo kale kusoo labistay Asxaabtooda iyo Gollaha Dhexe ee Kiniisadda Church Pentecost oo sheegay inay weynaynaaan Lamaanaha Cimriga ah ee u debaal-dagaya midhaha dedaalkoodii Kontonka Sanno ee soo socday.

 

Talooyinka kale ee uu wadaadku soo jeediyay ayaa waxa ka mid ah inay Lamaanahayaasha cusubi ka dheeraadaan inay Habkay u noolanayaan iyo qaab-guurkooda aanay bar-bar dhigin asxaabtooda kale,balse iyagu jeexdaan habkay ku unki-karaan qoys-waara.

Halkan Ka Daawo Sheekadda

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker