Oodweyne News - Latest Somali News Update

RAACDADDII ICTIRAAFKA LOO DIRAY RAQ IYO RUUX MIDNA MA HAYSO, EE RUNTA MA U BADHEEDHNA!! .

Gashaanti timo-tidcan ayay saddex nin isku maalin  u soo geed fadhiisteen, wada tashi dheer ka dib waxay reerki go’aan ku gaadheen in odayga reerku soo kala saaro  saddexda doob, ninkii noqon lahaa sayga, gashaantidan guur u joogta ah.

Odaygi geedkii ay fadhiyeen saddexda nin ee guur-doonka ahi ayuu soo kaddo-loobsaday, bariido ka dib waxa uu warsadday mid walba magaciisa. Kii koowaad ayaa soo booday oo yidhi, waa Yoonis magacaygu, hawraarsan ee suuratul Yoonis kor ka dareerri ayuu adaygi ugu jawaabay, af-ka ayuu suuratul yoonis iska mariyey. Doobkii labaad ayaa kor u ugu dhawaaqay magacaygu waa Yuusuf Adeer suuratul Yuusuf qulluulixi ayuu adaygi ugu jawaabay, doobkii dhinaca kale ayuu uga baxay, kii saddexaad ayaa duqii ku yidhi Haye adeer Magaca, doobkii oo naxsan ayaa yidhi adeer magacaygu waa Yaasiin laakiin Ikhlaas ayaa laygu yeedha hawraarsan ee ka soo bax Qul’huwallah (Ikhlaas waa Magaca loo yaqaan suuratul Qul’huwallaah), dhawr il-bidhiqsi ayuu ku duddubiyey ilayn waa suurad gaabanne. Odaygii isla goobtii ayuu Yaasiin ugu hibeeyey gashaantidda uu dhalay.

Balse labaddii kale waa ay ka biyo-diideen go’aanka odayga waxaanay weydiiyeen sababta uu gabadhiisa u siiyey ninkan akhriyey suuradda gaaban, waa suuratul Iklaase , ee aan ahayn magaciisa. Waxa uu ugu jawaabay, Adeer wiil kani xikmad buu keenay si aanu gabadha u  seegin. Sidda daraadeed waxaan u qoray in uu yahay nin berri ka maalin sammato-bixin kara gabadhayda haddii xaalad addagi la soo deristo.

Waxaan uga socdaa siyaasadda S/land 28 Sanno ayay qardo-jeex tahay oo jid qalloocan iyo tallo guracan lagu hogaaminaayey, bud-dhig ama aas-saasna looga dhigay goonni-isu-taaggii Jamhuiriyada S/land ee lagu dhawaaqay MAY 1991, balse aad mooddo xilligan la joogo in raacdaddii loo diray soo hellidda raadkii ictiraafku, in aanay raq iyo ruux midna hayn, xilliguna  gabaabsi ku yahay oo qoraxdu galka liiqa sii gallinayso, sababtuna waxay tahay;

1:- Aqoonsi lama hayo oo dunniddu dhabarka ayay inna soo xejisay, ogow aqoonsigu waa dammaanad ay ku siiso Beesha Caalamku, dal bilaa aqoonsiyinna waxa uu la mid yahay diin bilaa qolofa.

2:- Dhaqaalle buuran oo aynu kaga maaranno dunnidda iyo gacan-togaallaynteedda  ma lihin.

Kaabayaashii dhaqaalle ee dalkunna waa wax la xaraashay iyo wax burburay.

3:- Dunnidda kuma lihin dal kale ama sxb la tix-gelliyo oo aynu ku dabo gabbanno.

4:-  Dalkii gacanteenna kuma wada-jiro oo badh baa maqan, waxa u danbaysay Beesha Warsan-gali  oo gebi ahaanba u digo-rogtay  is-maamulka Puntland, dhacdaddan oo laf-jab ku ah S/land.

5:- Beesha dhexe oo ahayd udub-dhexaadkii dalka oo ay fiintu dhex-mirannayso maadaama xabbagtii isu haysay ay koox dano siyaasadeed lihi ku bedellatay mansab iyo maal, Halkaasna ay ku dhimadtay laguna aasay kalsoonniddii dhexdoodda tiil ee ab-ka-ab ay ku soo caanno-maali jireen, waxaanna marag ka ah dil-dillaaca Beesha dhexe yegleelliddii is-bahaysiga la magac baxay Jeegaanta, dagaalladda Ceel-Af-weyn oo sababay goosashaddii Caarre oo horseedi karta bur-buro ama dhaawac soo gaadhay ciidankii qaranka S/land oo markii sii horeba dhinac ka rarna.

6:- Eex iyo qaraabbo-kiil xadhkaha goostay oo  noqday Suunnaha dawladnimo, waayo waxay qabyaalladdu noqotay hal-beegga lagu cabiro, laguna hanto ama lagu hibeeyo fursaddaha Shaqo, Darajo, Wax-barasho iyo Siyaasi ee soo baxa. .

7;- Xeerarkii dalku waa la jiifiyaanna bannaan la joojiyaanna bannaan oo ma xakammayn karaan inta mansab iyo maal haysata waayo dastuurkii waa dubbe ay daabkiisa haystaan.

8;- Hay’addihii dawligga ahaa sida Maxkamadii, Xeer-dejintii, Xeer-illaallintii, Xisbiyaddii, Ciiddammaddii, Guddidii doorashooyinka yo ururaddii bulshadda oo gebi ahaanba ku milmay qaybta fulinta ama madax-tooyadda.

 

Haddaba anniga oo ka shidaal qaaddannaya qoddobadda aan kor ku xusay, waxa maanta shacabku isla qirsan yahay, in lagu hun-goobay, wax badanna lagu seegay, hayaankii aan loo Sahan tegin ee geeddigiisa la heenseeyey MAY 1991. hormuudna ay ka ahaayeen kooxo aan hankoodu dhaafsiisnayn reer hebel iyo hummaag been ah oo masiirkii ummadda iyo midhihii ka soo go’ay halganki SNM-ba mijo-xaabiyey, ka dib markii si hiyi-kac iyo hubsiinno la’aan ah ay u hareer mareen hillinkii lagu hannan lahaa dawlad haybad leh oo ka hanno-qaadda gebi ahaanba Somaliya gaar ahaanna Somaliland.

.

Taladdaan la ruugin.

Ray’s lagama gaadhee.

Waa lagu rafaada.

 

Ugu danbayn ma beenta iyo runta ayaynu isku si u dhagaysanna oo waxaynu masiirkeenna u dabo fadhiisana 30 sannaddood oo danbe kooxdan ciil-qabayaasha ah ee qabyaalladdu biyo-dhigtay, arinkooddina dhaafi waayey  af-lagaadadda Siyaad Barre AHN, Daarood iyo Hawiye, aayaheena danbana waxaynu ku jaan-goyna oo tiir-dhexaad uga dhigna xusidda iyo xigashadda dagaalladdii sokeeye iyo xasuusihii ay reebeen oo xabaallaha ayaynu qoddanna, oo waxaynu cuq-dad iyo isir-nacayb ku abuurna  jiilasha danbe ee weli calloosha ku jira mise inta aynu caadifaddan caal-waagga ah iska dhaafno ayaynu caqligga addeegsanna oo dal iyo dad wixii soo doogay sammato-baxinna, inta aan dabaylaha is-bedel doonka ah ee dul-hoganaya geeska Afrika, duufaankoodu innagu darin daad-xoorta.

 

Wabillaahi tawfiiq.

 

Qallinkii: Max’ud C/laahi Xirsi-Finniin