Saami-qeybsigu Waa Shaxda Guurtida Loo Xulo. Laakiin Wakiilda Tira-Koob Kaliya Ayaa Go`aan ka Gaadhi Kara. Qalinkii Maxamuud Biix

Saami-qeybsigu Waa Shaxda Guurtida Loo Xulo. Laakiin Wakiilda Tira-Koob Kaliya Ayaa Go`aan ka Gaadhi Kara. Qalinkii Maxamuud Biixi Saami-qeybsigu Waa Shaxda Guurtida Loo Xulo. Laakiin Wakiilda Tira-Koob Kaliya Ayaa Go`aan ka Gaadhi Kara. Qalinkii Maxamuud Biixi

Hordhac

…waxa isaso tareysa legdan muran galiyey, sida loo waajahayo doorashooyinka golaha wakiilada ee somaliland ilaa iyo intii loo gudbey nidaamka doorashooyinka, laga soo bilaabiyo xiligii loo codeeyey distoorka Somaliland 2001.

Saami-qeybsigu waxa uu ragaadinayaa geedi socodka Somaliland in ay noqoto qaran, hana-qaada oo degal ku yeesha shucuubta geeska Africa. Sababta ugu weyni ay tahay in saami-qeybsiga inta badan aad ugu mitidayaan; madax dhaqameedka iyo siyaasiyin kasoo jeeda gobolada darafyada oo ku saleysan in ay saami goan in ay ka helaan iyadoo lagu saleyno kaliya tusmo reereed.

Hadaba, sidee ayeey u macaamilaan dawladaha sida xorta ah wakiilada golayaasha sharic dajinta ee matalaya dadweynaha soo doortaa?. Waxaynu tusaale usoo qaadan doonaa sdia loo qeybsado golayaasha wakiilada(population representatives) dalakla horu marey, doorashooyinkuna biyo dhigeen.

Mid ka mid ahi waa ingiriiska (UK) oo afar quruumood oo kala duwani, degto. Iyo Mareykan (USA) oo dadku midab ku kala duwan yiin. Waxa kale oo aan soo qaadaneynaa, Iyana dalal Africa ah, sida Kenya. Waxaynu udub dhaxaad ka dhiganeynaa halbeegyada salka u ah doorashooyinka sida Tirakoob(national census) iyo Diiwaan galinta Cod-Bixiyaasha(voter registaration)

Dalka UK

Waxa ku nool sida ku xusan tirakoobkii 2011 dad lagu qiyaaso 63 malyuun oo u qeybsan sidan.

England waxa ku nool 55 malyuun iyo dheeraad, waxaaney golaha parliament ka heshey 533 kursi. Taas oo ka dhigan qiyaastii, halkii kursi waxa uu ku qiimeysan yahay 100 kun wax yar ka badan.

Scotland waxa ku nool 5 malyuun iyo badh, waxa ay heshay 59 kursi parliament oo midkiiba ku qiimeysanyey, ku dhawaad 92 kun. Wales waxa ku nool 3 malyuun iyo lixdan kun, waxay heshay 40 kuris, oo midkiiba ku qiimeysanyey 77 kun. North Ireland waxa ku nool 1 malyuun iyo 8 boqol oo kun, waxay heshay 18 kursi, oo midkiiba ku qiimeysanyey, 100 kun oo cod.

Hadaba, qiimaha kursiga wakiilka baarlamaanku (constituency) ee UK waxa lagu jaan-gooyey codka calaa kursi. 77-100 kun oo qof meeshii ay ku noolyiin. Waxa inoo soo baxaya in UK ay tahey dal nidaamka doorasho oo ay leeyiin hoosta laga soo unko. Laguna saleeyo goobtii dadkeedu ka bataan 60 kun ilaa 100 kun in loo qoondeeyo hal kursi parliament. Taas oo ka turjumeysa in ay qaateen nidaam xisbigii ugu kuraas bataa talada qabto lehna Raiisal Wasaare.

Dalka Mareykanka

Mareykan dadka ku nooli, waxay u qeybsamaan dhanka midabka, sida cadaan, madow, latino oo kale. Guud ahaan Mareykan waxa ku nool 325 malyuun oo qof. Kuraasta wakiiladuna waa 435 kursi congress. Midkiiba waxa uu ku qiimeysanyey ilaa 650-900 kun oo qof.
Waxa xusid mudan in gobolada 50 ka ah ee dalku ka koobanyey, kuraasta waxey u qeybsadaaan sida ay u kala dad badanyiin oo kaliya. Tusaale ahaan gobolka California waxa ku nool ku dhawaan 40 malyuun waxaana kasoo baxa 53 wakiil, halka Vermont oo ilaa 625 kun noolyiin ay leeday 1 wakiil. Gobolka la yidhaa Idaho isna ay ku noolyiin 1,8 malyuun oo hadana uu leeyey 2 wakiil.
Dalka Mareykanku waxa uu qaatey, nidaam guud, oo kor laga unko nidaamkiisa doorasho. Taas oo macneheedu yahay, gobol kasta waxa uu sar-goosanaya nisbada(qiyaasta) dadkiisu ka yihiin, tirada guud ee dalku yahay. Marka dadku sii kordhaan wey kordhayaan, hadeey dhin-maana kuraastiisu wey yaraaneysaa.

Dalka Kenya
Kenya waxa la sheegaa in ay tahay, dalka ugu wacan dhanka xog ururinta, iyo warqaaha aqoonsiga(identification Cards and Record Keeping) waxa ka dhaqan gashey nidaam doorasho oo labada nooc ee kala aha ka guud oo madaxtooyada lagu soo doortomadax ka kow, iyo midka hoosta laga unko ee kuraasta wakiilada loo asteeyo. Waa nidaam aad shabah ugu leh kan ka shaqeeya Somaliland.
Sikastaba, ha ahaatee, dawlada kenya wey ku guul-dareysatey, in ay dib habeyn ku sameyso nidaamka loo doorto golaheeda wakiilada. Sababtoo ah waxa u asteysan yahay qaabka kuraasta loo qeybso degmo-doorasho ee ah nidaamka hoos ka tirinta ee Ingiriisku adeegsado.
Arinkani waxay dhaxalsiisey in ay keento duudsi in degmooyin badan oo dad badani ku noolyiin ay is kuraas leegaadaan, kuwa kale oo codkoodu yar yahay. Degmooyin isku cod ahina kala kuraas bataan. Sababtuna tahay, xiligii sidan kuraasta loo qeybiyey oo ku beegneyd 70 sano mudo ku siman, waxa dhacay in degmooyin aad u dad bataan, kuwa kalena ay yaraadaan.
Iyadoo distoor cusub oo laga hir galiyey dalka Kenya 2007 kii dalkaasna loo qeybiyey 47 degmo(county), halka hore uga ahaa 12 gobol.
Tusaale ahaan degmada Mandera County waxa ka diiwaan-gashan dad dhan 1,025,756(in ka badan Malyuun) waxay leeday 6 kursi oo loo qeybiyey lix goob doorasho(Constituency).
Halka degmada Kisii County ay ku noolyiin dad dhan 1,152,282(dad labaatan kun kabadan Mandera), waxa ay leeday 9 Consituencies ama 9 kursi doorasho goobeed.
Halka degmada Garissa County oo ay ku noolyiin 6,23,00(lix boqol oo kun) ay leeday 6 consituencies, lix kursi doorasho goobeed.

Xaalada Somaliland

Somaliland waxa dabayaaqadii 2002 golihii wakiilada ee markaas joogey, go´aamiyey, in sidii lixdankii 1960 kii lagu galay lagu sar-goosto, oo kuraastii degmo-doorsho(constituency).
Waxa laqaatey sidii 1960 kii, wax lagu doortey. Oo lagu dhuftey korodhka qiyaasta dadka, oo ah 2,5% ( natural growth rate) kaas oo cilimiga Demography-gu, ka dhigto halbeeg lagu eego kobaca umadaha, waxaanu laga xisaabshaa, tirade dhalata, oo laga jaro inta dhimata iyo inta safarta, tahriibta ama dalka ka baxda(migration movement). Max-suulka kasoo hadhaya ayaa la yidhaa, korodhka dadweynaha(growth rate).
Waxa xusid mudan, in Somaliland/Somalia hay`ada arimaha dadka ee qaramada midoobey UNFPA ay sameysay qiyaas tira-koob(snap-chat census) 2014. Sida uu wasiirkii qorsheynta Somaliland ee xiligaasi Dr. Sacad Cali Shire, markii la daahfurey xogtaas uu boogaadiyey, macnaheeduna yahay in Somaliland ku kalsoontey.
Xogtaas waxay u dhigneyd iyadoo labada gobo ee Maroodi-jeex iyo Saaxil la isku darey(W.Galeed) iyadoo wadarta guud, ee kasoo baxdey dadka reer Somaliland ay aheyd in ka badan sadex malyuun iyo badh (3,508,180). Markaas waxeynu wadarta gobol kasta u qeybineynaa, ta guud ee Somaliland oo lagu dhuftey kuraasta wakiilada ee ah 82 kursi, waxa kasoo baxaya, kuraasta uu ka helayo gobol kasta, waa hadii tirakoobkan lagu dhaqan galo.
Awdal 673,263/3508180 = 0,1919*82 = 16 kursi W.Galbeed 1,242,003/3508180 = 0,354*82 = 29 kursi Togdheer 721,363/ 3508180 = 0,2056*82 = 17 kusi Sool 327,428/3508180 = 0,0933*82 = 7 kursi Sanaag 544123/3508180/ = 0,155*82 = 13 kursi

Sidoo, kale Waxa iyana 2016 kii Gudida Diiwaagalinta ee Somaliland(somaliland voter registration) ka hirgaliyeen dalka nidaam diiwaan galineed oo loo adeegsadey tiknolajiyad casri ah. Kaas oo ay ka soo ururtey xogtani: tirada gobolka/tirada guud(873,331) X 82(tirada wakiilada)

Awdal 147031/873,331 = 14 kursi Maroodijeex 312634/873,331= 29 kursi Saaxil 78842/873,331 = 7 kirsi Togdheer 178,506/873,331 = 17 kursi Sool 71096/873,331 = 7 kursi Sanaag 85222/873,331 = 8 kursi

Gorfeyn

Hadaba inagoo ku sar goosaneyna, xogahan cusub ee hay`ada UNFPA ay qaadey iyo kan Gudida Doorashooyinka Qaranku, ee kor ku xusan. Intuba waxay bixinayaan qiyaaso aad iskugu dhaw dhanka kuraasta gobolada Somalilanda ka koobantey. Taas oo ay muuqato in shaxda hada lagu dhaqmo, ee ku salaysan, shaxdii 1960 kii ee laqaatey 2002 kii markii degmooyinka loo asteeyey, darajooyinka A, B, C. oo aheyd 23 degmo oo ku jiraan, degmooyinka Bali-gubadle iyo Salaxley. In ay yihiin kuwa lagu sar-goosanayo, doorashooyinka lagu wadey in ay dalka ka qabsoomaan, ee ka hirgalay Somaliland.

Deegaanada saai-qeybsiga ku doodaya, gar-bey u leeyiin siday doonaanba ha u la muuqatee. Laakiin iyana waxa yaable leh sababta dadka degan gobolada Maroodi-Jeex iyo Togdheer na ay u raadsan waayeen, xuquuqda kuraasta kaga maqan, oo ay ugu biiri waayeen, dhawaaqyada dheer ee ay gobolada darafyadu gadhwadeynka ka yahay, iyagoo raba waa Hargeysa iyo Burco in diiwaan galin la sameeyo laguna qeybsado kuraasta wakiilada.

Saami-qeybsi loo sameeyo golaha Wakiiladu, waxa uu keenayaa ragaadin sharci, in qiima tirisa qiimaha cod-bixiyayaasha, kana dhigeysa doorashada raq ardaayo qabiilooyin ka kooban waaxyeeysteen. Taas oo aakhirka shaqadii wakiilada iyo siyaasadii xukumadaba gacanta ugalin karta, shaqsiyaad dhaqan, ama ganacsi oo dhaxal tooyo gasha.

Tusaale ahaan, dalka Lubnaan, waxa uu leeyey gole Baarlamaan oo ka kooban 128 xildhibaan waxa loo qeybiyey si isleeg Muslin iyo Masiixi. Hadana midkastaaba waxa uu usii qaybsadey mad-hab madhab hoose, taas gacanta u galisey in xubnaha matalaya mad-hab hoosaad kasta in qaataan odayaal dhaqan ama tijaar gancansi, lana baxay guryaha siyaasada.

Foolxumooyinka laga dhaxleyna noqotey in 27% shacabka dalkaasi heystaan 50% kuraasta wakiilada. Hal qof oo dalkaas ka mid ahi waxa gacanta ugu jirta xulida 45 xildhibaan waanka madaxweynaha hada ka taliya ee la yidhaa Masheel Coon, isagoo ah qeybta uga balaadhan ee Masiixiga matala ee layidhaa Maarooniga.

Hadii dariiqaas aynu raacno, Somaliland waxay noqoneysaa mid dadka hada saami-qeybsiga raadineyaa, ay u horseeda xiisad aan damin gudahooda. Waayo? Jawaabtu waxay tahay; kuraastan waxa lagu soo xero galiyey magac qabiil, markaasna aynu magac reero hoose ku qeybsano. Halkaasna mid tiraya yar oo ku mitida iyo mid istaawiyey farro, oo cod ku andacooda, oo horseeda isnac iyo iska horimaad labadaba.

Aakhirkana kuraastaasi ay gali doonot gacmo dantooda uun ka fiiriya siyaasada, xataa hadii ay noqoto mid qaranka ku lid ah. Sida Lubnan oo kale oo badhna u raxeeyaan Sucuudiga sida Suniga badankiisa , badh kalena Iran sida Shiicada, badhna France sida Maroonka Masiixiga.

Maxaa Xal Ah

@ in la bilaabo tirakoob qaran oo dalka oo dhan ah, isna xukuumada Somaliland awood dhaqaale, farsamo iyo siyaasadeed uma heyso in ay sameyso. Sababta oo ah; dalalka Africa dawlado aad u tiro yar baa awood u leh sida egypt iyo South Africa, taasi waa dhaqaale. Siyaasiyan wali aduunku waxa uu inaga tirinayaa qeyb ka mid ah Somalia, taas oo adkeyneysa qabsoomida tirakoob. Waa tasadexaade, waxa jira deegaano baaxad leh oo Somaliland ah oo wali amaan ahaan gacanta dawlada ka baxsan.

(b) iyadoo duruufahaas la eegayo, waa in aan lagu riixin Xukuumada wax ka baxsan awoodeeda, oo lakala doorto, in la gudoonsado tii aduunku ka maraga ahaayeen ee aheyd diiwaangalintii codbixiyayaasha ka hirgashay Somaliland 2016, dadkii aan isdiiwaan galin-na, gaar ahaan gobolada Barriga loo furo in ay isdiiwaan galiyaan. Laguna asteeyo kuraasta wakiilada.

© in aan la qabiileyn amuuraha, xuquuq siyaasaded, oo khuseysa dhamaan dadweynaha ku nool gudaha xuduuda Somaliland. Xuquuda guud ee muwaadin kasta, mana aha in xuquuqdaas guud qoondo lagu xidho, sida deegaan iyo Isir loona cuskado saami-qeybsi. Saami-qeybsiga loo isticmaalaa, meelaha uu ku haboon yahay: sida qeybsashada madaxda hey`adaha madax-baxnaan ee dawlada, saraakiisah ciidanka, gudoonka garsoorka iyo xubnaha Guurtida.

(d) Dooda ah in wakiilada lagu qeybsado sida ay u sameysanyiin baarlamaanka yururb EU Parliament ama sida siman ee dawladuhu u qeybsadaan Qaramada Midoobey. Intaasuba waa dood-jaban oo ka fog, ta lagu dhiso dawladaha. Tusaale ahaan, Baarlamaanka Yururb saameyn kuma laha, siyaadaha hoose ee dhaqaalaha, doorashada ee dawladaha ka tirsan ururka reer Yurub. Laakiin, waxa uu ka garsooraa qardoofooyinka, iyo cabashooyinka ka soo yeedha gudaha dawladaha reer Yurub. Hadii ay noqoto mid xisbi, mid bulsho iyo mid shaqsi intaba.

(e) Si aaney hay`adaha qaran ee aynu la rabno in tisqaadaan, oo aaney qabiilo inooga noqon, hadana dhugasho iyo xaq-dhawr loogu yeesho cabashada darafyada ku cabanaya, xuquuqdoodana la sugo. Waxa hodanti ah in nidaamka doorasho ee wakiilada laga dhigo sida ka madaxtooyada mid furan oo 82 ka xildhibaan ee wakiilada matali-doona loo doorto oo murashax waliba cod ka raadsado dalka oo dhan. Markaasn 82 xildhibaan ee ugu codbata ay noqdaan wakiilada la doortey. Iyadoo indhaha laga qarsan qoondooyinka haweynka iyo bulshooyinka la heybsooco.

Maxamuud Biixi Axmed

Hajibihi123@gmail.com

Tix Raac

Click to access Population-Estimation-Survey-of-SomaliaPESS-2013-2014.pdf

https://www.reddit.com/r/Somalia/comments/61zpr1/somaliland_voter_registration_numbers_rele ased/
http://www.parliament.go.ke/the-national-assembly/mps
https://www.britannica.com/topic/United-States-House-of-Representatives-Seats-by-State-1787120
https://www.census.gov/quickfacts/fact/table/VT,US/PST045218

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker