Hunguri Wed Ma Arko!!! lacago Musuqmaasuq oo ku dhaca jeebka maareeyaha Madacada JSL

Musuqmaasuqu waa mid ka mid ah ragaadiyayaasha horumarka, noloshu wey dhammaanaysaa qofkuna wuxuu hortagi doonaa rabbi swt, xikmad soomaaliyeed ayaa tidhaa “ Hunguri wax ka weyn la mariyaa wuu dilaacaa” , runtu waa wehelka geesiga horumarkuna kuma yimaado been iyo borobogaandho beentu waa wehelka dib u dhaca “Backwardness”. Dunida aynu nidhaa way horumareen waxay heleen madax ka koray waxay inta badan madaxdeenu ku habsaameen waa musuqmaasuqee. Saaxiibaday marwo Yaasmiin Aw Axmed Faahiye oo aanu kawad qalin jabiney University of Dar es Salaam (Tanzania) sannadka waxba sheegi maayee ayaa habeen aanu ku kulanay xafladii madaxtooyada ee xuska 28 guuradii madaxbannaanida waxay igu tidhi “noloshu waa dawladnimada, dawladnimaduna waa karti iyo dadaal ay daacadnimadu saldhig u tahay” haddaba dalkeena hooyo maxaa kii meel loo dhiibaba xumeynaya, maxaa madaxda dunida saddexaad gaar ahaan soomaalida jeclaysiiyey xatooyada xoolaha dadkooda silica iyo saxariirku la dariska noqdeen laga soo ururiyey. Haddalku yaanu ila fogaanine aan u soo noqdo qormadaydan.

Waxa jira dhaqaale badan oo dawladdu ku bixineyso dib u casriyeynta madbacada dawlada oo tan iyo markii la sameeyey ahayd fadhiid aan shaqo muuqata u hayn wadanka. Hadaba dhawaan waxa soo baxay dareeno laga muujiyey sida loo maamulayo hawshan waxaana jira tuhuno badan oo laga qabo in lacagtaasi ku dhacdo jeebka maareeyaha sidoo kale waxa soo ifbaxay calaamado badan oo muujinaya sida maareeyaha ay uga go’an tahay in uu aduunyo badan uga kasbado hawshan, haddaba dawladu ma ogtahay waxa socda, waxa jira in maareeyihii isaga ka horeeyey xilkii laga xayuubiyey sababo musumaasuq la xidhiidha nasiib daro wuxuu ina raage u muuqdaa nin wax badan ilaabay “Hada shalay ma dheerayn wixii dhacay ma fududayn”.

Nasteex iyo Waano Iga Maqal
Waxa kula quman in aad rabbi ka cabsato, xasuusnaato geerida, eegto cidhibtaada waxa hadhayaa waa taariikh waxa hadhayaa waa magaca fadlan faraha ka qaad xatooyada aad u xusul duuban tahay, fadlan dalkaaga daacad ugu adeeg, fadlan aakhiro eeg, fadlan wixii aad amaano hayso rabbi kaga cabso waayo waa la isweydiinayaa maalin aan maal iyo ubad toona wax kuu tarayn. Lacagtu wey dhamaataa laakiin sharaftu ma dhamaato waxaad tusaale ka dhigata asxaabtii iyo salafkii umadani lahayd akhri taariihdii cumar binu cabdi casiis ha ku dayan kuwa hagardaamada u horseeday dadkooda ha noqon sida Mohamed Suharto oo ahaa madaxweynihii Indonesia (1967-1998) wuxuu dalkiisa ka musuqmaasuqay aduun dhan $ 15-$35 billion, ha noqonn Marcos, Ferdinand Edralin oo ahaa madaxweynihii Philippine (1972-1986 ),wuxuu maxaysatadii dalkiisa ka xaday aduun dhan $5-$10 billion ha noqon Mobutu Seso Seko madaxweynihii Zaire(1965-1997) wuxuu xaday $5 billion, ha noqon Milosevic Slobodan madaxweynihii Serbia (1989-2000) wuxuu xaday $1 billion, ha noqon Sani Abacha madaxweynihii Nigeria (1993-1998) wuxuu dalkiisa ka musuqmaasuqay $2-$5 billion. Waxa laga yaabaa in dadka qaar la yaabaan oo yidhaahdaan lacagtani iskadaa dawladoo wadankaba ma taalo laakiin ogaada madaxdaasi musuqmaasuqa iyo xatooyada xoolaha dadkooda waxay ka bilaabeen meel hoose.

Arrinkaad waddaa waa hunguri ababadiisiiye
Uurkaaga uun dhereg la doon waa allow sahale
U adkayso gaajada masuul aayo laad noqone
Astaadkiyo Ismaaciil wax ku ururin maayaane
Irsiqaaga Eebaa hayee axanka hays dhaafin

 

Hoddan Maxamed Ibraahim “Hodan Burco”
Masters of Political Leadership at University DeraSalam Tanzania

,

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker