Hal-Beegyadda Tayadda Wax-barashadda W/q: Mustafe Nabad-iid

Halbeegyada Tayada Waxbarashada Tayada waxbarashada waxa lagu cabbiraa halbeegyo (Standards) adduunyadu isla taqaano oo si fudud loo fahmi karo, si gaar ah haddii aynu u eegno waxbarashada asaasiga ah waxa laga hubiyaa shantan qodob: 1. Tayada Maamulka waxbarashada 2. Tayada Bareyaasha 3. Tayada Goobta waxbarashada 4. Tayada Manhajka 5. Xaaladaha ardayga ama nolosha bartaha Halbeegga (Standard) ugu horreeya isla markaana ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo tayada waxbarashada (Quality Education) wadddan leeyahay waa maamulka guud ee waxbarashada waddanka (Educational Governance), inta badan halbeegyada kalena waxa ay si toos ah ugu xidhanyihiin maamulka guud waxbarashada. Maamulka waxbarashada waxa lagu tilmaansadaa awoodda iyo kartida hogaamineed ee waxbarashada waddanka laga bilaabo heer qaran, heer gobol, heer degmo ilaa heerka dugsiga. Sidoo awgeed Maamulka waxbarashadu waa hoggaaminta guud ee nidaamka waxbarashada waddanka iyada oo la diyaarinayo qorsheyaasha maamul iyo hawl-fulineed, xeerarka laga ma maarmaanka u ah habsami u socodka hawlaha maamulka waxbarashada iyo siyaasadda guud ee waxbarashada oo leh heerarka kala duwan sida waxbarashada aasaasiga ah, Waxbarashada Dugsiyada sare,farsamada gacanta, waxbarashada baahiyaha gaarka ah iyo waxbarashada sare. Inta badan waddamada aduunyadu waxa ay leeyihiin wasaaradda waxbarashada taas oo ka masuul ah maamulka waxbarashada, haddaba si loo qiimeeyo wasaaradda lafteeda waxa u yaalla halbeegyo maamul oo laga doonayo in ay yeelato si ay u awooddo maamulka guud ee waxbarashada ay masuulka ka tahay. Maamulka waxbarashada waxa kale oo ka mid ah go’aamadda masuuliyiinta (Executive Decisions) kuwaas oo ku salaysan xogo si wanaagsan oo aqooni ku dheehantahay loo ururiyey loona lafoguray, go’aamaddaasi waxa ay saamayn karaan wasaaradda gudaheeda, dugsiyada, shaqaalaha, agabka, siyaasadaha iyo xeerarkaba. Qodobadan soo socda ayaa ka mid ah shuruudaha laga doonayo wasaaradda waxbarashada in ay yeelato: 1. Waa In wasaaradda waxbarashadu leedahay siyaasad waxbarasho oo si fiican u qeexaysa ujeedooyinka waxbarashada guud ahaan iyo gaar ahaan heer kasta iyo nooc kasta oo waxbarashada ah si loo qaabeeyo mustaqbalka waddanku leeyahay oo ah ilmaha ama qofka waxbaranaya. 2. In uu jiro rabitaan siyaasadeed oo ku aaddan fulinta siyaasadda la dhigay (Political will) oo ay ka go’antahay madaxda waddanka 3. In ay jiraan xeerar waxbarasho oo kala hagaya awoodaha ha’ayadaha dawliga ee la xidhiidha waxbarashada iyo heerarka wasaaradda (Administrative levels), ka qaybgalka bulshada, waxbarashada gaarka loo leeyahay, ururada xirfadlayaasha ah sida Golaha barayaasha iyo daneeyeyaasha kale ee waxbarashada 4. In uu jiro qorshe istaraatiji (Strategic plan) kaas oo qeexaya qorshayaasha heerarka iyo noocyada waxbarashada iyo ujeedooyinkooda, qaabka loo fulinayo, cidda fulinaysa, caqabadaha ay tahay in laga gudbo, heerka la doonayo in laga gaadho mid kasta (higsiga). 5. Jiritaanka Qorshaha maalgelinta waxbarashada (Education financing), qorshaha maalgelintu waa in uu qeexo miisaaniyadda guud ee waxbarashada iyo qaabka loogu qoondeeyey sida ay u kala mudan yihiin baahiyaha waxbarasho ee waddanku. 6. Waa in uu jiro habka dhawrista tayada waxbarashada dugsiyada waddanka (Quality assurance) 7. In wasaaradda waxbarashadu awood u leedahay in ay isku dubbariddo hawlaha aynu kor ku sheegnay (Institutional Capacity): Marka la eego xaaladda waddankeena qodobkani waxa uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan waayo waa in aynu qiimayno haayaddii aynu u diranay in ay fuliso hawlahan iyo kuwa kale oo badanba. Halkaa marka aynu marayno aynu isweydiino wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ma leedahay awooddaa iyo kartidaa? Wasaaraddu ma leedahay Dukumenti qeexaya masuuliyaddeeda heer qaran (Clear Institutional mandate)? Wasaaraddu ma leedahay qaab dhismeedkii hawl fulineed (institutional structure) ee suurtagelinayay in waax waliba hawsheeda qabsato iyada oo ay jirto masuuliyad waaxeed si fiican u qeexaysa shaqada waaxda (Departmental Terms of References)?, qaab dhismeedku ma qeexayaa maamul daadejin (Decentralization Mechanism) taas oo sheegaysa sida siyaasadda iyo adeegyada waxbarasho ay ugu soo daadagayaan ilaa heer dugsi ama ilmaha fasalka fadhiya?. Waa kuwee siyaasadaha iyo shuruucda ugu muhiimsan ee ay ku shaqaysaa? Talo soo jeedin 1. Wasaaradda waxbarashada Somaliland iyada ayay hawli u taallaa inta aanay soo dhaafin xarunteeda, Waxa ay u baahan tahay in lagula dhiirado in lagu sameeyo dib u eegis gun iyo baar ah (Functional review) iyo dib u habeyn baaxad leh (Institutional reform) si loogu diyaariyo in ay ka jibbo keento rabitaanka siyaasadeed ee xukuumadda iyo in ay daba qabatayso dugsiyada hoose/dhexe ee dawladda oo imika u dhaw in ay xidhmaan. 2. In wasaaraddu xoojiso nidaamka ururinta iyo lafagurka xogta si go’aamaddeedu u noqdaan qaar ku salaysan xog lagu kalsoon yahay oo aanay waxba kasoo noqon doonin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker