Madaxweynaha Somaliland Oo Daahfuray Shirkadda Dahabshiil Hyundai Motors

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa daahfuray mashruuc balaadhan oo shirkadda Dahabshiil Group Somaliland ku keentay baabuurta casriga ah ee ay samayso shirkadda Hyundai ee laga leeyahay waddanka koonfurta Kuuriya. Shirkadda Dahabshiil Hyundai Motors oo lagu daahfuray munaasibad balaadhan waxa lagu soo bandhigay baabuurta ay shirkadda Dahabshiil Somaliland keenayso ee ay farsamaynayso shirkadda Dahabshiil Hyundai Motors.
Xafladda Daahfurka waxa goob joog ka ahaa madaxweynaha Somaliland, xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada, hoggaanka xisbiyada Somaliland, madax dhaqameed iyo inta badan haldoorka Somaliland oo si weyn ula dhacay tallaabada ay qaadday shirkadda Dahabshiil.
Maamulaha guud ee Dahabshiil Motors Md Cawil Shariif ayaa sharraxaad ka bixiyay waxyaabaha Dahabshiil Group ku dhiiri geliyay mashruucan iyo arrimaha la isla eegay muddo laba sanno ah oo hawshiisu socotay.
“Intii uu socday ifafaalaha abuuridda shirkaddan oo laba sanno ahayd waxa jirtay su’aal udub dhexaad ahayd oo ahayd waxa suuqa baabuurta ee dalka ka jira baabuur aad u badan oo buux dhaafisay ee maxay soo kordhinaysa baabuurtan kale ee lagu soo kordhinaya? Waxay kaga duwan yihiin tayada, badbaadada qofka isticmaalaya baabuurtan, badbaadada uu u fidinayo cidda la isticmaalaysa jidka sida xayawaanka, badbaadada uu u fidinayo deegaanka, dhinacyadaas oo dhan bay baabuurtan aanu keenay ee Hyundai kaga horeeyaan baabuurtii hore u joogtay dalka,” Sidaas ayuu yidhi Mr Cawil Shariif.
Guddoomiyaha guud ee Dahabshiil Group Xaaji Maxamed Siciid Ducaale ayaa ka xog warramay arrimaha bud-dhigga u noqday in shirkadda Hyundai aqbasho in ay baabuurtan Somaliland timaaddo iyada oo dhulka kale ee Soomaalidana la gaadhsiin doono.
“Runtii sida wasiirka gaadiidku sheegay baabuurta duugga ah ee muddada socotay ee lagu soo tuuro dalkeena waxaan filaya in tani tii bedelaysay tahay qiimaheedana waa la dhimaya. Shirkaddan Somaliland waanu ka furnay dhulka ay Soomaalidu degtana way ku socota, halkan waxyaabaha aanu ugu dhiirranay bilawgeedu waa nabadgalyada oo Illaahay mahaddii wax lagu dhiirrado ah, markii aanu hawsha ku jirnay shirkaddu waxay na aqbashay markii ay warkii heshay in meeshu tahay meel nabadgalyo ah,” Sidaas ayuu yidhi Xaaji Maxamed Siciid Ducaale.
Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi ayaa shirkadda Dahabshiil Group iyo madaxdeeda sare ku ammaanay dadaalka dhinaca horumarka iyo mashaariicda wax ku oolka ah ee uu ka mid yahay mashruucan baabuurta casriga ah dalka lagu keenayo.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu dhallinyarada iyo bulshada Somaliland dib u xasuusiyay waayihii ay Somaliland kala soo dabaalatay shirkadda Dahabshiil Group “Dahabshiil iyo Kooxdeedu waynu ognahay halkii ay inagala soo dabaasheen, maalmihii adkaa ee dalka eber laga bilaabayay ee aan rug boolis dhisnayn ee aan jeel dhisnayn ee aan xukun kala socon ee dadku dagaalkii ka soo doogay ee aan guri qudha saqaf saarnayn ee aan dadku isu gudbayn iloobi maayo Dahabshiil qofkii joogay dhallinyarooy,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Ergayga Wada hadallada Somaliland iyo Somalia Dr Edna Aadan Ismaaciil ayaa shirkadda Dahabshiil Group ku ammaantay doorkii ay ka soo qaadatay barbar istaagga bulshada Somaliland maalmihii adka oo ay meelo kala duwan ku gaadhsiin jirtay biilasha, islamarkaana ay haddana hormuud ka noqotay horumarka socda ee dhinacyada Baananka iyo mashaariicda kala duwan.
“Shirkaddan Hyundai waa mid la yaqaanno oo sahal umay iman, daraasad dheer bay samaysay oo way hubisay in dalkeenu yahay dal la maalgashan karayo,” Sidaas ayay tidhi Marwo Edna oo u ducaysay Xaaji Maxamed Siciid iyo ubadkiisa islamarkaana ku dhawaaqday in ay gaadhiga u horeeya qaadatay “ Kalsoonida aan ku qabo shirkadda awgeed waxaan dhigaya magacayga in aan ku qoro gaadhiga u horeeya,” ayay tidhi Marwo Edna.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa shirkadda Dahabshiil ku ammaanay in ay shirkadda caalamiga ah ee Hyundai ku qancisay in ay Somaliland tahay meel nabad ah oo la maalgashan karo “Baabuurtan la keenay waxa ugu muhiimsan ee ay soo kordhinayaan waxa weeye gaadiid nabadgalyadiisu sugan tahay maaddaama gaadiidka dalka la keena yahay gaadiid wada gaboobay oo 10 ilaa 20 sanno ah ka aanu wadanana waa intaas, waana macquul in sababta shilalka badan dalka uga dhacaan tahay gaadiidka gaboobay ee aan la hubin ee iska socday,” sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
Eng Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa isna sheegay in Dahabshiil Group kaalin qiimo leh kaga jiro horumarka Somaliland “ Waxaan hambalyaynaya Xaaji Maxamed Siciid iyo Dahabshiil Group horumarka ay inoo keeneen. Waa run in Dahabshiil mar kasta horumarka dalka kaga jiro meel qiimo leh,” ayuu yidhi Eng Faysal.
Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland Md Cabdillaahi Abokor Cismaan, wasiirka ganacsiga Maxamuud Xasan Saajin, Siyaasi Cali Maxamed Warancadde, madaxdhaqameed iyo masuuliyiin kale oo madasha ka hadla ayaa shirkadda Dahabshiil ku bogaadiyay shirkadda cusub ee keenaysa baabuurta casriga ah waxaanay tilmaameen in Dahabshiil hormuud ka tahay abuuridda fikradaha dhanka horumarka iyo mashaariicda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker