Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Qalooca Kulmiye (Qaybtii 76aad) Qore : Maxamed Xoosh

Xisbiga Kulmiye 2010 si uu madaxtinimada u hanto dad ayaa naf iyo maalba dul dhigay keliya may ahayn dad qabyaaladi waday waxaase garab socday DANAYSTAYAAL balan qaadyo ka haystay SIILAANYO INUU U ABAAL GUDI DOONO, waayo si walba siyaasi u ahow waxa jira guul lagu gaadhi karo wadaag
Markay sidaa tahay bal aynu eegno halka kulmiye ka qaloocday ilaa imikana ka soo kaban kari laayay !
Ila eega doorarkay ragani ka ciyaareen talada dalka
1-Siilaanyo M/weyne la doortay oo BALANQAADYO badani u yaalaan dhinacna doonaaya inuu hormariyo dalka iyo khasnad madhan waxay noqotay inuu doonto cidii wax la qaban lahayd
2-Maxamed Xaashi wuxuu noqday Raiisal Wasaare awood buuxda ku dhex leh xukuumada runtii waxqabd wax ku ool ah oo loo aayay wuu qabtay balse SAWIRKIISA AYAA KA WEYNAADAY MADAXWEYNIHII XILKA U IGMADAY “Daacadnimada iyo Siyaasadu waa isku sidaa”
3- Xirsi wuxuu matalaayay BALANQAADYADII deegaamadii naf iyo maalba dul dhigay xisbiga oo aan ku qanacsanayn madaxtinimada siilaanyo qudha BALSE DOONAAYAY KA MID NOQOSHADA DAWLADNIMADA SOMALILAND iyo in la siiyo qandaraasyo ka qayb gala tartanka lagu dhisidoono dalka (Weel samayso si laguugu soo rido qandaraas)
Xukuumadii Siilaanyo waxay QARAMAYSAY deegaamo dhan oo caasimadu ka fogayd oo laga badsay dheefta dawladnimada iyo xilalka dawlada maantana badhtanka u fadhiya guud ahaan talada dalka iyo xisbiyada qaran ee ka jira dalka oo dhan
Xukuumada Siilaanyo waxay sidii AFWEYNE Qaramaysay Dekeda Berbera oo DPWORLD laga fasaxay si ugu danbayta loo wada yeesho
Cida u haysta in Madaxweyne Muuse xisaabin doono MUSUQII DHACAY xiliyadii ka horeeyay waa qof aan QAAN GAADHIN sababo ay ka mid tahay wada jirka iyo midnimada dalka SOMALILAND si hadafka loo gaadho waa in deegaamo dhan laga laaluushaa jiritaanka dawladnimada
Maxamed Ibraahim Cigaal AHN oo ku xeel dheeraa falsafada siyaasada iyo habdhaqanka soomaalida ayaa yidhi (jiritaanka dawladnimada Somaliland dad ayaan ka laaluushaa)
Allaa Mahad Leh
Maxamed Xoosh

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker