Mareykanka Oo La Tashi Cusub La Sameynaya NATO & Dawladaha Carbeed ee Gobolka Bariga dhexe

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay Dalalka Isbahaysiga NATO iyo kuwa Gacanka Carabta kala tashanayso sidii ay Maraakiibta u heli lahaayeen marin xor ah, marka ay ku socdaalayaan Gacanka Hormuz iyo Xeebaha dalka Iiraan.

Ku-xigeeenka Xoghayaha Difaaca Maraykanka ee dhinaca siyaasadda, John Rood ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirka Madasha Ammaanka ee Aspen oo shalay ka furmay magaalladda Aspen ee Gobalka  Colorado  ee Maraykanka, wuxuuna xusay inay Iiraan abuuri karto colaad ka qaraxda Gacanka Bershiya.

 

Waxa uu xusay inay diyaariyeen Nidaam cusub oo Sahmin iyo Sirdoon, si ay Maraakiibta shidaalka iyo kuwa Ganacsiga ay si xor uga gudbi karaan Gacanka Hormuz ee Xeebaha Iiraan.

 

Dhinaca kale, Dalalka xubnaha ka ah Isbahaysiga NATO waxay ugu baaqeen Dowladda Iiraan inay sii daayaan Markabka shidaalka ee Britain ee ay gacanta ku dhigeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker