Shacbiga Reer Somaliland Gaar ahaan Hargaysa oo aad ula Qabsaday Cunista Kalluunka

Somaliland iyo Somalia ba waxay leeyihiin  xeebo aad u dheer oo ay ka buuxaan khayraad aad u fara badan, waxaana ka mid ah kalluunka noocyadiisa kala duwan ee aadka loo jecel yahay.

 

Bulshada Soomaalida oo xoolo dhaqato u badan aad uma cunaan kalluunka, waxayna taas baddalkeeda aad u icticmaalaan hilibka xoolaha.

Suuqyada magaalada Hargaysa waxaa beryahan aad ugu soo kordhaya ka ganacsiga kalluunka, ayadoo halkaas laga furay meherado waaweyn oo kalluunka lagu iibiyo.

 

Ganacsata qaar ayaana kalluunka u iib geeya dalka Itoobiya oo uu ka furan yahay suuq weyn oo kalluunka aad looga baahan yahay.

 

Itoobiya ayaa ah dal aan xeeb lahayn isla markaasna bulsho badan oo ku dhaqan dalkaas ayaa aad ugu baahan kalluunka.

 

Bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa oo beryahan dambe aad u iibsada kalluunka ayaa aaminsan in kalluunku uu qiimo ahaan ka jaban yahay hilibka kale isla markaasna uu caafimaad ahaan ka fiican yahay.

Sahro Cismaan Maxamed waa mid ka mid ah macaamiisha sida joogtada ah u iibsata kalluunka, waxay BBC-da u sheegtay waxay ku doorbidday iibsiga kalluunka.

“Kalluunku wuu ka jaban yahay, wuu ka fiican yahay hilibka kale xagga nafaqo ahaan iyo tayo ahaan, marka aad baan u isticmaalnaa” ayay tidhi Sahro.

Ka ganacsiga kalluunka ayaa shaqo abuur u sameeyey dhalinyaro badan oo reer Somaliland ah.

Cabdiraxmaan Axmed Jaamac waa mid ka mid ah dhalinyarada ka ganacsata kalluunka kuna iibiya magaalada Hargeysa waxa uu BBC-da u sheegay in uu ka ganacsiga kalluunka ka shaqaynayey muddo kor u dhaafaysa 6 sanadood isla markaasna ay dhalinyaro badani shaqo ka heleen.

Cabdiraxmaan ayaa qaba in ka ganacsiga kalluunka looga maarmi karo in dhalinyaradu ay tahriibaan.

“Dadkan Tahriibaya ee badaha isku guraya waxaan ku oran lahaa kalluunka dalkeena hala gurto oo hala iibiyo, shaqo abuur badan ayuu samaynayaa”.

Bulshada reer Hargeysa ayaa haatan aad ugu baraarugtay faa’ida uu leeyahay ka ganacsiga iyo isticmaalka kalluunku ayadoo xaafado badan ay si joogto ah u iibsadaan.

Axmed Cabdillaahi Maxamed waa mid ka mid ah aqoonyahannada reer Somaliland, waxa uu dhawaan bilaabay ka ganacsiga kalluunka, asagoo ka soo qaada badda isla markaasna ku qaybiya suuqyada magaalada Hargeysa.

Wariye Cabdillaahi Jaamac ayaa Axmed kula kulmay magaalada Hargeysa, waxa uuna waydiiyey waxa arrintan ku dhaliyey.

“Kalluunku wuxuu ka mid yahay wax soo saarka dalka, wax soo saarkuna saddex meelood ayuu shaqo abuur ka sameeyaa, mar waxaa laga soo saaraa badda oo badda waxaa ka soo saaraya waa dad shaqaale ah, qaybta labaadna waa marka la habaynayo kalluunka, qaybta saddexaadna waa marka la iibinayo” ayuu yidhi Axmed.

Dawladda ayaa ayaduna dhankeeda canshuur ka hesha wax soo saarka uu kaluunku ka mid yahay.

Si kastaba ha ahaatee qaar badan oo kamid ah bulshada Soomaalida ayaan wali ku baraarugin faa’iiidada uu leeyahay kheyraadka badda ku jira oo kalluunku uu ka mid yahay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker