Somaliland oo Marin u noqotay Ganacsi Sharci-darro ah oo isaga kala gudba Bariga Afrika iyo Dalalka Khaliijka Carab (Akhriso Warbixin)

Hargeysa (OWN)- Somaliland, ayaa marin u noqotay ka-ganacsiga Sharci-darrada ah ee Dugaagga iyo Duurjoogta laga tahriibiyo Dalalka Bariga Afrika, sida ay sheegtay warbixin ay soo saareen laba hay’adood oo ka shaqeeya Daryeelka iyo Xannaanada Xayawaanka.

 

Four Paws oo ah hay’ad Caalami ah oo ka shaqaysa Daryeelka Xayawaanka iyo hay’adda Cheetah Conservation Fund oo u gaar ah daryeelka xayawaanka Harim-cadka, ayaa war-murtiyeed ay si wada-jir ah u soo saareen dhawaan, waxay ku sheegeen in Somaliland marin laga tahriibiyo u tahay xayawaanka Duurjoogta ah ee loo sida sharci-darrada ah loogu iib-geeyo dalalka Khaliijka Carabta.

 

Sida warbixinta lagu sheegay waxa dhawaan gacanta lagu dhigay 29 Harim-cad dhal ah oo la badbaadiyey, taas oo fashilisay sida ay gudaha Somaliland ugu soo bateen silsillado Isku xidhan oo si qarsoodi ah uga ganacsada Duurjoogta iyo Xayawaannada dalka.

 

WARBIXINTAN OO FAAHFAAHSAN GUJI HALKAN

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker