XAALADDA CEEL AFWEYN WAA DUDUMO CIID KA MAYDH

Waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha  iyo hawl wadeenada warbaahinta  kuwaas oo soo gudbiya aragtida  iyo rayiga dadweynaha.
Waxaa ilaa imminka  dadweynaha  reer Somaliland ay aad iyo aad ula yaaban yihiin dagaaladdan dabada dheeraada ee ka socda degaanka  Ceel Afeyn nawaaxigiisa . Dagaaladdasi waxay bilaameen tan iyo intii xukuumadihii kala dambeeyey ee Kulmiye  uu dalka maamulaayey  Madaxweynihi hore Siilaanyo ilaa Muuse.
Tuulooyin  ayaa dadkii lahaa laga baabiiyey  oo ay  nabadgalyo ku siisteen  ilaa iminka nabadii may sal dhigin sida wararku ay sheegayaan markasta oo nabada la xidhi ama dadka la dhaariyo dhinac ayey ka jabtaa  taasina waa mid subxaane leh dadku miyaaney islaam aheyn .Waxaan leeyahay labadaa beelood ee isku ehelka ah ee maalilkasta dhiiga  walaalahood sida ciyaarta ah ku daadinya  ilaahay ka baqa oo dhiiga joojiya .
TALLO  SOO JEEDIN.
  • Waan soo jeedinayaa nimankaasi colaad may arrag iyo dagaaltoona  waa in beelaha halkaasi degan lagu sameeyaa hubkadhigis mid yar iyo mid weynba ,inlaga mammnuuco xitaa inay qaataan Tooryaha.
  • Waa in min 1000 nin lagu daraa ciidamada qaranka isla markaasna la geeyo jiidaha hore ee dagaalka si ay dalka u difaacaan iyaguna isu nabadgaliyaan.
  • Sacad yoonis  iyo Baha farax  Biciidle waxaad dalkii ku noqoteen nabaar aan bogsaneyn dagaal aan dhamaaneyn  dhulkana ilaahaybaa leh cid gaar ahi malaha ee si nabad ah ku daaqa dadkii  bariga degnaan ceeb ayaad u soo jiideen  Galbeedkiibaa idinku qoslaya  carurrtiina waxbarsho ma haystaan ,caafimaad ma haystaan .
Ceelafweyn xaaladdiisu waxay ka dhigan tahay ” DUDUMO CIID KA MAYDH” miyey ka maydhmeysaa jawaabtu waa maya dadkii waa yaaban yahay dhaari dhamaatay,aamin dhamaan. Waxaan sinaba dhaliil ugu fakaneyn  maamuulka gobolka sanaag ee loo sheegaayey in Tiknomo lagu haysto gobalka  oo aanu wax talaabo ah ka qaadin marka dawladda lagu eedaynaayo dagaalka waxay noqoneysaa arrin  run ah in beeluhu ay tikniko ay haystaa  ama mid ka mid ahi ay haysato  waa fashilka dawladnimo,
Ahmedbudul@hotmail.com
Ahmed Daacad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker