Sooyaalka Taariikh Dhacdooyinkeeda waxbaa laga Bartaa.

Nolosha Aadamuhu waa Waxaan lagu waarahayn iyo mudo weeye cayiman iyo wakhti xaddidan, oo waa maalmo latirsado oo ah gu’yaal lajiro, ruux kastaa mudada uu noolyahay noloshiisa caruurnimo ilaa coomirnimo ruuxii Illaahay cimrisiiyo cimri dheer, waxa lasoo dersi doona dhacdooyin uu ku cimro qaato, kuwaas oo u noqon doona duruus uu wax ka korodhsado, waxa jira dhacdooyin isku xaajo EEG ama is shabaha oo soo noqnoqda oo leh dhib, hagardaamo iyo rafaad, oo haddaadan ku cimro qaadan oo aadan wax ka baran markii hore waxay kubadeen, kana tabaabulshaysan oo aanad ka gaashaaman wax yeelada ku ladhan, waxa hubaal ah in dhibtii ay dhacdadaasi hore kuumarisay ay mid kadaran Dib kuu marinayso ama aad kala kulmidoonto, Siddoo kale wax walba oo Nolosha u daran ruuxii caqli iyo garaad taam ah lihi wuxuu isku dayaa inuu ka foojignaado si aanay Dib u asiibin, se haddii qadarka ilaahay Dib u halleeshana si aanay ugu nagaan.

Dharaaro tegey Haddaan xusuus Dib u jaleecno waxa jiray wakhtigii reer Somaliland ay isku darsadeen Soomaaliya inay lasoo deristey reer Somaliland caddaalad daro, xaqiraad, cabudhin, cunaqabateen dhaqaale, horumar la’aan, wax wada lahaanshihii oo meesha ka baxay iyo arimo badan oo kale, waxa dhacday in indhaha iyo dhagaha laga xidhay tabashadoodii si badheedh ah, aakhirkii waxay kaliftay in urur hubaysan oo xaq u dirir ahi kaco, waxa dhacday xukunkii markaa ka talinaayey dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya in uu wada xaajood iyo nabad iyo garwaaqsi diiday oo uu isbiday awood iyo cudud milatari oo qori caaradii inuu wax ku xaliyo mooyee uu gogol iyo garwaaqsi diiday oo uu ku andacooday in aanu cidna waxba ka dhagaysanay oo wadanku guud ahaan wacanyahay oo caddaalad iyo horumarna laga simanyahay se cidda baxday ay tahay kuwo danbiilayaal qaran dumis ah, sikastaba ha ahaatee waxay arin soo jiidmaba waakii taliskii wakhtigaasi halkuu gogol la dhigan lahaa dhaqdhaqaaqii caddaalad darada tirsanaayey la dooyeystay taliskii itoobiya oo ururkii wax tabanaayey lajoogay, waakii migiste la heshiiyey yidhina dalkaaga kasoosaar, waatii taliskii dayuuradaha iyo dabaabadaha watay ee awooda isbiday laga dhex toosay ee wixii dhacay ay taariikhda noqotay, se Hubaal hadduu la dooyeysan lahaa kuwaas wax tabanaayey arin sidduu yahay maanta muu ahaadeen, se waa qadar iyo arin lagu cimri qaato.

Haddaba wakhtigan xaadirka ah ayaad Waxaad moodaa in xaajo u sansaan EEG taas ay jirto oo dad ka cabanayaan caddaalad daro, horumar la’aan, wax wadalahaansho la’aan, cabudhin iyo cago juglayn, oo waxay mudo soo jiitantaba markii dhag jalaq loo siin waayey ay muwaadiin ka cadhoodeen maamulkii iyo Xisbigii Dalka mayalka u hayey, inkastoo hogaanka xisbil xaakinka iyo xukuumada madaxda mayalka u haya ay yihiin ragii dhacdadaa hore ee taariikhda ku xusan kuwii ka dhiidhiyey haddana Waxaad moodaa in siddii loola dhaqmay wakhtigaa inay u dhaqmaan iyana ay qarka u saaran yihiin, ilaahay xaqa hagaranasiiyo e, se Hubaal haddii reer Somaliland is maqal, caddaalad, sinaan Iyo wax wadalahaansho ku dhaqmi waayaan oo jiq kusii iyo aanaa taliya ee yaan lacaban cududna waan hayaaye waa cidda cabata Runtii cawaaqib xumo ayey keeni kartaa aan laga soo kaban karahayne is Dhagaysta Illaahay xaqa ha idin garansiiyee.

Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyee Abwaan Bashiir Ismaaciil Gabay uu mariyey ayaa waxa ku jiray tixahan:-

(Dharaarii ku soo maray haddaad, hoos u dhugan waydid

Wixii dhacay shalaytana hadaanad, maanta dhinac joojin

Haddii aad ku dhaaf uun tidhaa, raaxadaad dheregtay

Dabaylaha dhacaayiyo warkaa, dhaaxo kuu simane

Xooluhuba way dhuunyadaan, raashin loo dhigo’e

Dhalmana way yaqaaniin, waa taranta dhuuxeede

Hadduu bahal soo dhacanna, way dhababaceeyaane

Bal maxaad ku dhaantaa hadaan, talladda kuu dhiibo)

Hubaal waa murti wax ku ool ah iyo waano iyo hogo tusaale Abwaan Waxaan sadaro soo xariiqay murtida meeriskaas ayaa isku fuuqsaday,

Waxa se hubaal ah in Sooyaalka Taariikh Dhacdooyinkeeda wax laga Barto si looga badbaado waxyeelo danbe.

Illaahay baa Mahad leh

Midnimana Somaliland

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker