Isbeddelka Maammul Iyo Horumarka Kahirgalay Degmada Fiqifuliye Ee Koonfurta Sanaag Muddada Uu Maayarka Kayahay Axmed Cabdi Geelle

 

 

Ceerigaabo(OWN) Degmada Fiqifuliye oo katirsan koonfurta gobolka Sanaag ayaa muddo sannad kusiman waxa Maaya ka ah Axmed Cabdi Geelle kaasoo dabayaaqadii June/2018 xilka maayarnimo kala wareegey C/fataax C/laahi Xasan oo muddo badan degmadaas maayar kazoo ahaa.

 

Maayarkan ayaa muddada uu degmadan maayarnimadeeda hayey waxa degmadaas ka hirgalay horumar dhinacyada maammulka iyo waxqabadkaba isugu jira waxana degmadani muddadaas kooban kazoo kabatay dib u dhac badan oo waqtiyadii hore kajirey halkaas.

 

Maayarkan oo markii horeba kamid ahaa odayaasha wax ku oolka ah ee degmadaas ayaa waxyaabaha la taaban karo muddada uu degmadan xilkeeda hayey waxa kamid ah gurigii martida ee degmadaas oo aan hore u jirin awgeed inuu furay guri uu leeyahay oo loo adeegsado guri-martiyeedka degmadaas kaasoo cid kastoo halkaas socdaal ku tagtaaba ay gurigaasi ku tubbato, waxa kaloo jira waxqabadyo uu kamid yahay dhaamka weyn ee laga hirgeliyey halkaas iyo weliba kalsoonida bulsho ahaaneed ee Somaliland lagu qabey oo si weyn kor ugu kacday muddada uu degmadan maayarka ka yahay Axmed Cabdi Geelle

 

Sikastabaha ha ahaatee Axmed Cabdi Geelle ayaa lagu tilmaami karaa maayarkii ugu waxqabadka badnaa muddadii degmadan Fiqifuliye soo jirtey ama ku magcawnayd inay tahay degmo kamid ah degooyinka Somaliland.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker