Waa in loo xil saara shirkad wadata aqoonteeda shaqo caafimaad maaraynta qashinka irbadaha ee kasoo baxa farmasiyada rugaha caafimaadka ….gaarka

Waa in loo xill saara maaraynta basrinta qashinka kasoo baxa rugaha caafimaadka sida farmasiyada cusbitaalada si looga badbaado khatarta caafimaad daro ee ka iman karta qashinkaas syringe needles etc
qashinka kasoo baxa farmasiyada ruga caafimaadka cusbitaalada taxadir oo ka feejignow waqtiga qashin qaadista ururinta qaadista basrinta ka xidho qalab ka hor tagi kara khatarta qashinkaas, ha ku tuurin wadooyinka , hadaad aragtid irbado makiinado qashinka farmasiyada oo lagu tuuray goob bulshadu ay degentahay fadlam garaac telph shirkada medical waste company si loo basriyo aad uga taxadir qashinkaas kasoo baxa farmasiyada ruga caafimaadka waxyeeladiisa caafimaad
KHATAR CAAFIMAAD KA FEEJIGNOW MARKASTA HA KU TUURIN GOOB AAN AHAYN QASHIN URURINTA GOOBTA CAAFIMAAD SIDA FARMASIGA CUSBITAALKA ETC
runtii waxa u baahan feejignaan dheerada sidii loo maarayn lahaa qashinka had iyo goor kasoo baxa goobaha caafimaadka oo ay ka iman karto khatar caafimaad daro halis ah hadii aan loo wajahin hab gaar ah oo waafaqsan sharciga ilaalinta fayadhowrka bulshada ku nool deegaankaas sidA
sida pharmisiyada rugaha caafimaadka oo ay kasoo baxaan qashin halis galin kara noolasha aadamaha oo u badan irbado la isticmaalay qalanka dhaymaha qashinka hadhaaga ee kasoo baxa ilaha shaybaadhka oo u baahan in aad looga taxadiro waqtiga iyo qaabka loogu keydinaayo goobahaas waqtiga qaadida qashinkaas oo u baahan in loo maareeyo dad gaar ah oo u tabobaran si looga badbaado khataraha kaga iman kara maarayntiisa si walba ha ahaato waxa sii kordhaaya goobaha ganacsi ee gaarka loo leeyahay sida pharmasiyada rugaha caafimaadka cusbitaalada degmooyinka dalka
waxa dhacda inta badan in aynu ku baraarugno sidii aynu iskaga fogayno qashinkaas goobaheena ganacsi sida qashinka caadiga ah aynu u saaro gawaadhida qashinka wakhtiga qashin qaadista oo kale waxa soo raaca qashinkaas rugaha caafimaadka kasoo baxa in lasoo raaciyo daawooyin dhacay oo dhamaan inta badan lagu daadiyo goobaha qashin qubka oo ku dhexyaala goobo ay degan yahiin bulsho aan garanayn noocyada badeecadaha lagu soo daadiyo goobaha qashin qubka ama had iyo goor ka raadiyo waxyaabo ay ku daboolan bahiyaadka noolaleed ee qoysaskaas ag degen goobaha loogu talogalay qashin qubka caasimadaha hadababa inagoo la socona khatarahaas caafimaad ee ka iman kara qashinka kasoo baxa rugaha caafimaadka gaarka loo leeyahay iyo khataraha caafimaad ee kasoo gaadhi kara bulshada goobaha lagu daadiyo qashinka iyo waqti ururinta basrinta qashinkaas waxa haboon in aynu wajahno qaabka ugu fudud ee loo basrin karo qashinkaas oo aan u baahnayn in loo ururiyo sida qashinka caadiga ah loo basriyo uririyo iyo weelka qashin basrinta oo ka gadisan kan aynu u isticmaalo qashinka caadiga ee kasoo baxa magaalooyinka dalka jsl
waa in marka hore u kuurgal baadhitaan lagu sameeya qashinkaas kasoo baxa rugaha caafimaadka dalka noocyadiisa uu ka kooban yahay iyo noocyada khataraha caafimaad ee kaga iman kara bulshada hadii la hareer maro nidaamka ugu dhaw ee mudan taxadir gaar ah in loo basriyo noocyada qashin ee uu ka kooban yahay
waa in la diwaan galiyaa farmasiyada rugaha caafimaad cusbitaalada ka furan degmo kasta oo ay ka kooban yahiin gobolada dalka si si fudud loola socon karo noocyada qashin caafimaad ee kasoo baxi kara goobahaas caafimaad
waa in ay ka hawlgalaan hawshan shaqo ee ururinta basrinta qaadinta qashinkan caafimaad ee kasoo baxi kara goobahan caafimaad sida farmasiyada ruga caafimaadka cusbitaalada etc shirkad gaar ah oo ka hawl gali garta basrinta qashinkan ururintan oo ku shaqayn karta nidaam sharci fayadhowr waafaqsan sharciga fayadhowrka caalamigu sidii qeexayo
waa in shirkadaahas ka howl gali kara qashin ururintan caafimaad ay u tabo baraan shaqaalaha loogu talo galay qashin ururinta xirfadlayaal si ay uga badbaadi karaan khataha caafimaad ee kasoo wajihi kara waqtiyada shaqada
waa in loo isticmaala shirkadaha qashin ururinta ka hawl galayaa gadiid xafidan qalab si fudud u gubi kara qahinkaas waqtiga qashin qaadista
waxa mudan in aynu iswaydiino qashinkan kasoo bixi kara farmasiyada rugaha caafimaadka cusbitaalada ma sida qashinka caadiga ah ayaa looga fogayn karaa magaalooyinka dalka waqtiga qashin daadinta jawaabtu waa mayo qashinkan caafimaad si looga badbaadiyo bulshada khatartiisa caafimaad waala aasaya meel ka fog deegaanka bulshada oo loogu talo galay ama shirkaduhu waa in ay diyaarsadaan qalab ay ku gubi burburin karaan
WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux02010@gmail.com
063 4130821

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker