Jabhadda Gen-Caarre Iyo Ciidammada Somaliland Oo Isku Horfadhiya Buuraleyda Ceerigaabo, Odayaal Ukala Soconaya, Xaaladda Oo Cakiran Iyo Xukuumadda Oo Markale Hanjabtey.

 

 

Ceerigaabo(OWN) maalmahan ugu danbeeyey waxa buuraleyda degaanka Xamaas Ee Woqooyiga Ceerigaabo isku hor-fadhiya ciidammada jabhadda uu hoggaamiyo Gen-Caarre oo wata gaadiidka teknikada loo yaqaanno iyo ciidammada millateriga Somaliland oo fadhiisinno xoog leh ka samaystay degaannadaas, waxana arrintani abuurtay dareen kusalaysan cabsi laga qabo dagaal dhexmara ciidammadaas is horfadhiya.

 

Waxa iyaguna maalmahanba si ay isusoo dhowaansho uga abuuraan jabhaddaas iyo xukuumadda arrintaas dhexda u xidhtay odayaal iyo waxgarad tiro badan kuwaasoo si isdaba-joog ah ugu kala dab-qaadayey labada dhjnac, haseyeeshee weli wax natiijo la sheegi karo ama soo afjari karta xiisaddaas oo ergooyinkaasi arrintaas ka gaadheen inta la ogyahay aanay jirin.

 

Dhinaca xukuumadda ayaa badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin “Tiimbaro” oo maanta qaybo warbaahinta kamid ah xafiiskiisa kula hadlayey ayaa mar uu ka hadlayey arrinta jabhadda Caarre wuxu yidhi “Hordhacii hubka waa lakeenoo waad aragtaan, wixii kalena odayaal baannu kasugaynaa marbana heer bay maraysaaye xidhayaashiisii oo u danbeeyey ayaa kumaqan iyagaannuna ka war sugaynaa”.  Isagoo hadalkiisa si watana wuxu intaas kusii daray “Gobolkayaga Sanaag ama meel haku qarsoonaado ama guri haku xaraysnaado wax qori weyn oo tigniko lasaaro oo reer haysan karaa majiro kii xasaystowna hore usoo dhiib, kii noo keenowna waad ku mahadsan tahay, kii lagu maqan yahayowna noosoo deddeji”.

 

Waxa iyaduna xusid mudan kulan maalintii shalayto waayeel dhinaca Caarre kazoo jeeda iyo mas’uuliyiin ku dhexmaray magaalada Ceerigaabo oo hadallo kulul laysku weydaarsadey inkastoo markii danbe aan khilaaf lagu kala tegin.

 

Sikastaba ha ahaatee xiisaddan ka dhex aloosantay Jabhadda Gen-Caarre iyo Xukuumadda sababtayna labadan ciidan ee is eeganaya ayaa ah arrin si weyn bulshadu u faallaynayso inay noqon karto mid sii adkaata iyo mid isusoo dhowaansho iyo waan-waan nabadeed ku dhammaata intaba.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker