SADEXDA KORNEYL MA KALA FOGA, OO WAA ISKU UJEEDO.

Ayaamahan danbe waxaa maskaxaha iyo maanka Bulshadda mashquul geliyay arimaha ah jabhadii Caare oo la weeraray, iyadoo wax weartay, iyadoo lagu hareeraysan yahay, Jambhad lagu magacaabay Boqor Buur-madow oo hubkeedii wareejisay, iyo jaahwareer Bulshada ka galay doorka xukuumadda ku leedahay arimahaas dhacayay, in ka m      ` id ah dadka ahlu caqliga ah, ayaa qaba in ukuumadda iyo Caare ay wada shaqaynayaan, oo ay hal dhinac u wada jeedaan iyagoo hal ajande ah hirgelintiisa ka wada shaqaynaya, balse filimka ku metelaya kuwo iska soo horjeeda, dhinaca kale, kasoo guuritaankii Korneyl Caarre ee Puntland ayaa ahaa qorhse ay isla ogaayeen Xukuumadda iyo Kornaylku, waana sababta keentay in Puntland ay la wareegto xeryihii Qardho ee Korneylka saldhiga u ahaa si cadho ku jirto, dadka arintan qabaa ayaa u arka, in wada shaqaynta Xukuumadda iyo Caare uu yahay mid siyaasi ah oo lagu fashilinayo shirka Beelaha Garxajis iyo Habarjeclo ee ay wadaan madax-dhaqameedka labada beelood, taasoo ay xukuumadda talada haysa iyo xisbul xaakimkedu u arkaan mid lasoo bixi kara weji siyaasadeed ku qotoma xuluf siyaasadeed ugub ah oo dhexmara labadaas beelood, kaasoo mustaqbalka wax weyn ka bedeli kara jihadda siyaasadda dalku u socoto iyo majarahiisaba, warar hoose oo kazoo baxay ilo xukuumadda ku dhowdhow ayaa sheegaya in dagaalkii dhowaan dhexmaray Jabhadda Korneylka Caarre iyo kuwa Somaliland ay canaan badani ka dhe-dhacday Xukuumadda dhexdeeda, oo ku aadan Cidda bixisay amarka dagaalka lagu galay, taasoo macnahedu noqonayo in madaxda sare ee xukuumadda aanu ka iman amarku, ee u dhacay si shil ah, oo aan raali gelin Madaxweyne biixiga Somaliland xukuma iyo inta ku xaydaaman.
Docda Kale, Wareejinta Hubka ee jabhadda Boqor Madow taageertaa wareejisay, ayaa iyana ah Musaaraco kale oo siyaasadeed oo ka mid ah filimadda dabaal-joogtaynta siyaasadeed ee halkaas ka socda, ee u dhaxaysa sadex Kornayl ee Muuse Biixi, Mahamed kahin, Caarre iyo Bqoqor Buur Madow, si ay u wada socdaan iyo si ay u kala socdaan-ba, waxaa kaloo jira rag siyaasadda ka falkinaya daaha dabadiisa, balse qarsoon, aragtida xukuumadda iyo taageerayaasheedu waa in halkaas aan belaayo weynina ka oogmin, Qiiquna ka damin, si aanu shirka labada beelood u helin Badhi iyo sal uu ku fadhiisto, oo fursad laysugu helo, halka inta shirkan taageersanina ay ka go’an tahay in shirkaasi qaboomo, lagana gaadho midhaha ujeedadooyinka qayaxan iyo tan qarsoon ee laga leeyahay.
Isku soo wada duuboo, Korneyl Caarre waa joogi doonaa halkaas, shidaalinta isku-yaac-yaaca reeruhuna waa jiri doonaa, inta ujeedada laga leeyahay laga gaadhayo, shacabkuna wuxuu nqoqn doonaa mid qaybsan oo kala raacsan kuwo iyagu isku ujeedo ah, balse isu feeraariyay, dhiiga iyo mustaqbalka dadkuna wuxuu ahaan doonaa mid lagu dhigtamo oo mugdi iyo rajo la’aan ku waara intay ka bislaanayaan dadku. Gunanaanadkii, shacabka waxaa la gudboon inay fahmaan in sadexda Kornayl ay ka wada shaqaynayaan gaadhitaanka hal ujeedo keliya, oo ah ta aan kor kusoo xusay, halka Boqor Buur Madowna uu yahay Atoore filinka dhinaca kale kaga jira, ayna tahay inay iyagu shacab ahaan dantooda gartaan.

Gebagabadii, arimahani waxay ka turjumaya himilada liidata iyo aragti la’aanta kuwa maanta ina maamulaya iyo bisayl la’aanta shacabka lagu ciyaarayo mustaqbalkooda, balse, raggeedii u maqan, rabbina og.

 

 

NB: Cidna Uma dhoweyn, ee cidlaan dhaabay warankaas.

Qalinkii; Hussein ohamed Mohamoud (Xuseen-laki)

Burco, Somaliland. Email, huseinlucky@hotmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker