Maxaa ka dhexeeya Buurmadow iyo Al-Shabaab

Aafooyin badan iyo masiiboyin aan la soo koobi karin ayaa lagu ibtileeyey ummadasoomaaliyeed meel ay joogtaba.Masiiboyinkaa waxa ugu daran. Kuwa dhiiga walaalohooda muslimka ee soomaalida kudaadiya iyaga oo shaati diin soo gashada ama mid qabiil. Waxa wax laga xumaado ah. in anta  ummadii inta loo soo gashaday cimaamado iyo koofiyado kala duwan dhiigoodii laguardia bannaystay.

 

Qaar waxay soo gashadeen cimaamado diineen, markaasay kii Masaajidka kula tukanayey, ama maqaayada shaaha kula cabayey dab ku qarxinayaan iyagoo ku andacoonaya ilaahay, baan diintiisa u adeegaynayaa, ‘Gaaladana’ waa la diriraynaa. Kuwaani waxay u badan yihiindhalinyaro intooda badan lasoo qalday oo inta bam loo soo dhiibay la yiri idinku is qarxiya.

Waxase kuwaas ka daran kuwa cimaamadaha iyo koofiyadaha qabiilka intay soo gashadeen, aan wax kale ka shaqayn. Har iyo habeen waxay u taaganyihiin in ay dhiig qof muslin ah oolaga yaabo in ay ehel yihiin daadiyaan. Deris iyo xigtanimo ma qadariyaan, wacad iyo ballanay magaca EEBBE ku galaan waa jebiyaan. Hadana intaa sida shaydaankii ayey dadka kudhexjiraan oo ugu yaraan, oo mararka qaar iyagaa wax wacdiya. Kuwaa waxa ka mid ah malleshiyo  beeleedka ur hoggaamiyo Cismaan Buurmadow. Ninkaasoo  aan marna ka nasan qaska iyo dagaal oogidda degaanka dadkiisu ku dhaqanyahay. in bandan waxa ur ku fanatics  colaada sokeeye, taasoo guck iyo debedba ka soo abaabulo.

Dunidoo barwaaqo oo ah, dadkuna, nabad iyo caano, nimco, farxad iyo rayrayn ku jira ayeyxabbad ku bilaabaan. Inta badan hadafkooda ma sheegaan waxaad moodaa jin nabadda iyofarxada la col ah.

Maalinba weji cusub, sidii munaafiqiinta ayey ummada, been iyo khiyaamo kula dhex jiraan. ma daneeyaan, halkay wax ka soo gelayaan. Uma aabo yeelaan waxa calooshooda gala.Xaaraantay ku naaxaan. Waxay raganimo moodaan dulmiga, gardarada iyo gaadmadajoogtada ah. ma xishoodaan iyagoo shalay kitaab ku dhaartay ayey indhaha candhuuf soomarsadaan oo iska oohiyaan. Hadana ilaahay amarkii dadbaa maalin kasta rumaysta!Soomaalidoo dhan baa xusuustoodu gaabantahay. Wixii rafaad iyo dhibaato soo maraywaxba kamay baran.  Ka dabka ku sii wada ayey ku dhahaayaan waa inaadeerkay ama iskuqabiil baan nahay.

Denbiyada ummada ee magac qabiil iyo mid diineed lagu gelyaa waa badar yihiin.

Waxa kelia oo lagaga bixi karaa;  maan fayoow iyo sharci caadil ah. labadaasina waxay u baahanyihiin dadaal joogta ah.

Ilaahay ummada soomaaiyeed dhibka ha ka dulqaado ….aamiin.

 

 

Casio Xaaji Cali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker