Gabadh Uu Dhalay Gudoomiyaha Golaha Guurtida JSL Oo Mashruuc Malaayiin Dollar Kasoo Qaadatay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

Dawladda Federalka Soomaaliya waxay qalinka ku duugtay mashruuc balaadhan oo waxbarasho kasoo ku kacaya $67.5 million, qaybta Somaliland oo maanta Hargeysa Xaflad loogu qabtay.

 

 

Mashruucan oo looga faa’iidayn doono 400,000 oo qof oo caruur u badan waxaa laga fulinayaa Soomaaliya oo idil “Waqooyi iyo Koonfur” sida sawiradan kaaga muuqata Magaalada Muqdisho waxaa qalinka ku duugay 11/07/2019 maalintii Khamiista wasiirka Waxbarashada Dawladda Federalka Soomaaliya Cabdillaahi Goodax Barre.

 

Waxaa mashruucan fulintiisa iska kaashanaya Dawladda Federalka, Hay’adaha Education Cannot Wait iyo Adventist Development and Relieve Agency.


Dhinaca Somaliland waxaa mashruucan masuul uga ah Dawladda Federalka iyo Hay’adda Education Cannot wait Gabadhan oo uu dhalay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.

 

Waxaana mashruucan shalay  Hargeysa ku daahfuray Madaxweyne kuxigeenka Somaliland iyo gabadha dhinac fadhida oo ah gabadha  gudoomiyaha guurtida Somaliland, Saynab Saleebaan.

 

Inkastoo Aabaheed yahay Gudoomiyaha Golaha Guurtida hadana Mashruucan ay Hargeysa ka fulin doonto waxay ka soo saxeexatay Wasiir Goodax, iyadoo dadka kale lagu xidho maxaad xamar ka doonteen.

Arrinta Adhiga Sucuudiga sharci la’aanta ugu xaniban, waa tan lagu eedaynayo Dawladda Federalka Soomaaliya ee maxaa loogu Boggaadin waayey Mashruucan balaadhan ee madaxda Federalku soo saxeexeen isla shalay Muqdisho kasoo dhiibtay?

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker