Taariikhda Marrin-Habowsan ee Somalida Iyo Maalmaha Xoriyadda

Waxa maalmahan Somalidu, dibad iyo gudaba, u dabaaldagayeen maalmaha loogu yeedho ayaamihii xoriyada. Xamaasad iyo qiiro xoog leh oo inta badan aan dhuunta dhaafsiisneyn ayey dadku guud ahaan soo bandhigaan. Midnimo iyo dareen kalgacal oo aan lagu dhaqmeyn ayaa lagu hadaaqaa oo xafladaha lagusoo bandhigaa oo lagu balweeyaa. Taariikho badan oo halgamadii gobonimo u dirirka oo inbadani been abuur tahay ama la buunbuuniyey ayaa la iska daba maraa.

Khayaaliga iyo taariikhaha bugta/beenta  ahii aadamaha way jahawareershaan oo waxay ka leexiyaan ta runta ah ee ay aheyd in uu barto oo uu ku faano. Beentaa waayo badan ayaa si taxane ah loogusoo dhaqmayey, waxanan qabaa  in ay ka mid tahay asbaabaha sobobay balanbalka iyo hooga soomalida ku habsaday ee ila maanta la maareyn kari laayahay. Waxan qirayaa in ay Somalidu leedahay taariikh iyo sooyaal hodan ah, oo fac weyn, oo ay ku faani karto, oo u gaar ah, oo mudan in la xuso, oo la weyneeyo. 

 

 

Omer Dheeg

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker