Daawo: Maamul Goboleedka Puntland Oo Qas Wade ku Sifaysay Booqashadii RW Khayre Khayre ku Tegay Waqooyiga Gaalkacyo.

Wasiiro ka tirsan Puntland oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku eedeeyay inuu baal maray jadwalkii ay ku heshiiyeen ee Loo dejiyey soo dhoweyntiisa Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo,

 

Isagoo booqashadaasina ku sifeeyey mid fowdo ah.

Wasiirka arrimaha gudaha, Dimoqraadiyadeynta iyo federaalka ee Maamulka Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad ayaa sheegay in isaga iyo Wasiiro kale ay Gaalkacyo u yimaadeen iney woqooyiga Gaalkacyo ku soo dhoweeyaan Raisul Wasaaraha, ayna dejiyeen jadwal ku saleysan hab maamuuska uu mudan yahay raisul Wasaarahu.

 

“Balse waxaa nasiib daro ah in raisul wasaaraha iyo dadka la shaqeynayey ay ku adkeysteen iney yidhaahdaan anagu  Gaalkacyo u maanaan iman in  naloo sameeyo Maamuus iyo Protocol,

umana imaanin inaan shirar galno, balse waxaan rabnaa inaan dhex galno dad banaanbax sameynaya,

 

anagu ka Puntland ahaan waxaan qorsheynay iney marka hore la kulmaan Isimada, odayaasha, ganacsatada iyo waxgaradka ka dibna uu shacabka fagaare kula hadlo, waxaase yaab leh in raisul wasaaruhu in arrintaas si masuuliyad daro ku jirto u diiday, ayuu yidhi” Wasiirka oo intaas ku daray in sida uu arintan Raisul Wasaaraha u maamulay aysan ka muuqan Masuuliyad Raisul Wasaarenimo.

Wasiirka ayaa sheegay in Geeddi socodka Somalia laga keenay meel fog, loona baahan yahay in Masuuliyad dheelitiran lagu hogaamiyo si looga gudbiyo qodxaha badan ee hor yaalla.

“Aniga shaqsi ahaan Raisul Wasaare Xasan Cali Khayre waa saaxiibkey balse wixii uu maanta ka sameeyey Gaalkacyo waxaa fiicneyd iney nala arkaan dad badan oo Soomaaliyeed, waxaana dhici karta kuwo badan iney horey u arkeen laakiin iska aamuseen” ayuu yiri wasiirka.

Dhabancad ayaa sheegay iney cudurdaar iyo raaligelin u dirayaan isimimo, waxgarad iyo cuqaal u diyaarsanaa iney ku soo dhoweeyaan raisul Wasaaraha Madaxtooyada Gaalkacyo, isagoo dhinaca kale u mahad celiyey shacabka iyo Masuuliyiinta Puntland iyo Galmudug ee Raisul Wasaaraha ku soo dhoweeyey Gaalkacyo.

Xukuumada Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin eedeynta Puntland, balse muranka la xiriira qaabka loogu soo dhoweynayo Khayre woqooyiga Gaalkacyo ayaa soo baxay booqashadiisa ka hor.

Warar laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Maamalka Puntland ay qorsheeyeen in xili habeen ah uu raisul wasaaraha Somalia shacabka kula hadlo garoonka kubada cagta Cawaale balse saraakiisha dhinaca amniga u qaabilsan Raisul Wasaaraha ayaa taas ka horjeestay, waxaana jiray tuhun ah in Puntland ay dooneysay iney hoos u dhigto qaabka soo dhoweynta Raisul Wasaaraha ee woqooyiga Gaalkacyo.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Gaalkacyo ayaa sheegaya in Raisul Wasaare Khayre uu caawa dib ugu laabtay Koonfurta Gaalkacyo ka dib booqashadii uu galabta ku tegay qeybta woqooyi ee magaalada ee Puntland ay Maamusho.

WARKAAS OO FAAHFAAHSAN HALKAN HOOSE KA DAAWO

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker