Dalka Suudaan oo khaati ka Taagan Quwadaha shisheeye ee Isdiidan oo ku hirdamaya

Hogaamiyayaasha mucaaradka ee waddanka Suudaan ayaa sheegay in maamulayaasha milateriga ku Lammaantahay Gacmo shesheeye.

 kuwaas oo doonaya inay ka faa’iidaystaan khayraadka dabiiciga ah ee dalka iyo goobta istiraatiijiyadeed ee uu ku yaal.

 

Heshiis awoodda lagu wadaagayo ayaa dhawaantan waxaa gaadhay milateriga iyo Masuuliyiin Matalayay  kooxaha mucaaradka  ah .hasayeeshee waxaanan weli kala caddeyn mustaqbalka siyaasadeed ee waddanka Suudaan.

 

Hadaba waa kuwama dalalka ku lugta leh arrimaha Suudaan maxayse rabaan inay halkaas ka helaan?

 

 

Yaa Iibsanaya  kheyraadka Suudaan?

Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa ah goobta ugu weyn ee la geeyo waxyaabaha ay Suudaan dhoofiso. Imaaraatku waxa uu gataa inta badan dahabka oo ay lacag badan ka soo gasho dowladda.

Dalka labaad waa Shiinaha kaas oo dhoofsada qeybo badan oo ka mid ah shidaalka qeedhin  ee dalkaasi.

 

Wax soo saarka shidaalka Suudaan ayaa mar waxa uu qeyb weyn ka ahaa dhaqaalaheeda hasayeeshee markii South Sudan ay dalkaasi ka go’day 2011 ayaa inta badan ceelashii saliidda waxaa qaatay dalkaasi.

 

Shidaalka dhaqaalaha dalkaasi waxa uu haatan ka yahay 1% kaas oo wax badan ka yar markii loo barbardhigo 20% oo uu dhaqaalaha ka ahaa sanadkii 2011.

Dalka xiga ee alaabaha Suudaan loo dhoofiyana waa waddanka Sucuudi Carabiya kaas oo inta badan gata xoolaha dalkaasi.

Markii uu hoos u dhacay dhoofinta shidaalka ayaa Suudaan waxa ay u jeesatay inay xoojiso dhinaca beeraha waxaana ay dhul siiyay quwadaha shisheeye.

Suudaan ayaa waxa ay ogolaatay inay malaayiin hektar siiso Sucuudi Carabiya, Baxrayn, Turki iyo Shiinaha waxa ayna haatan wadaa wadahadallo ay ku galayso heshiisyo noocaas oo kale ah oo ay la galayso dalal ay ka mid yihiin Urdun, Masar iyo Isutagga maaraatka Carabta.

Dalal iska soo horjeedo ayaa qandaraasyo raadinaya

Xeebta Suudaan ee Badda Cas ayaa marin muhiim ah u ah maraakiibta halkaas oo u dhaw dalka Yemen ee uu dagaalku ka socdo, dalal kala duwan ayaa waxa ay isku dayayaan inay galaangal halkaasi ku yeeshaan.

Inta badan ganacsiga dalkasai ayaa waxa uu haatan maraa Port Sudan oo ah Dekedda Istaraatiijiga ee Dalkaasi Leeyahay.

Sikasta oo uu xaal ahaadaba qandaraas ku kacaya $2.4bn oo lagu horumarinayo laguna howlgalinayo dekadda, oo ay sheegtay inay bixin doonto shirkad Philippines ah ayaa waxaa hakiyay Golaha ku meelgaarka ah ee Milateriga kaddib markii ay shaqo joojin sameeyeen howlwadeennada bilowgii sanadkan.

 

Qandaraas midkaas ka weyn ayaa lagu heshiiyay in lagu horumariyo dekad kale, oo ku taal magaalada Suakin ee koonfurta Port Sudan.

Bishii Maarso ee sanadkii hore, Turkiga iyo Qatar ayaa heshiis ku kacaya $4bn waxa ay la saxiixdeen dowladda Suudaan si ay uga taageeraan horumarinta dekadaas.

Arrintaas ayaa waxaa loo arkay inay tahay tallaabo istaraatiijiyadeed oo sare iyo weliba mid siyaasadeed oo xasaasi ah, maadaama ay Turkidu galaangal u yeelan doonaan inay saldhig milateri ku yeeshaan Badda Cas.

A map of Sudan

Hasayeeshee Turkiga iyo Qatar ayaa siyaasad ahaan waxa ay iska soo horjeedaan dalalkan saameyn weyn ku leh arrimaha Suudaan ee Sucuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta.

Sucuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta oo Suudaan ugu deeqay deeq gargaar ah oo gaaraysa $3bn tan iyo markii milaterigu awoodda la wareegay bishii Abriil, ayaa waxa ay cadaadis saarayeen dowladda si ay heshiiskaasi meesha uga saarto.

“Waa ay iska caddahay in Isutagga Imaaraatka Carabta uu galaangal weyn ku leeyahay Golaha ku meelgaarka ah ee Milateriga,” waxaa sidaasi sheegtay Annette Weber, oo ah sarkaal sare oo la shaqeeya Machadka Arrimaha Caalamka iyo Ammaanka ee Jarmalka.

Suudaan ayaa sidoo kale waxa ay dhaqaale badan ka heshay sanduuqa maalgalinta ee Shiinaha taas oo qeyb ka ah dedaallada Shiinaha uu ku doonayo inuu ku xoojiyo ganacsiga kala dhaxeeya caalamka.

Dad badan oo reer Suudaan ah ayaa waxa ay u dabaaldageen heshiiska awoodda lagu wadaagay ee dhawaan la gaarayDad badan oo reer Suudaan ah ayaa waxa ay u dabaaldageen heshiiska awoodda lagu wadaagay ee dhawaan la gaaray

Ciidammada Suudaan oo si mug leh uga dhex muuqda Yemen

Saameynta dhaqaale iyo siyaasadeed ee sii kordhaysa ee Sucuudiga iyo Imaaraatka ee dalka Suudaan ayaa ku qotonta taageerada milateri ee wadankaasi ka gaystay dagaalka dalka Yemen.

Ciidamada Suudaaan ayaa si mug leh uga dhex muuqda xooggaga isbahaysiga ee uu hogaaminayo Sucuudiga ee dagaalka kula jira kooxaha fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto.

“Suudaan illaa 16,000 oo askari ayaa ka jooga xuduudda Sucuudiga iyo Yemen si ay uga qeyb qaataan amniga xuduudda”, sidaa waxa sheegay Dr Weber, kaas oo tixraaya hadal uu yiri sarkaal sare oo ka tirsan dawladda.

Ciidamada Suudaan ee jooga Yemen waxa madax u ah Jenaraal Maxamed ‘Xemeti’ Xamdan oo hadda ah xubin sare oo ka tirsan golaha milatariga ee xukuma dalka Suudaan.

Ciidammada Suudaan ka jooga dalka Yemen oo la geeyay wadankaasi 2015 kii ayaa loo arkaa in uu saameyn muuqata ku yeeshay isbadalka siyaasadda dibadda ee dalkaasi oo horey ugu xirnaa dalka Iiraan balse hadda u wareegay Sucuudiga iyo xulufadiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker