Booqashadii Madaxwaye Muuse Biixi ee Dalka Ginni oo ku dambaysay indho Sarcaad

Hargeysa(OWN)  – Aqoonyahan Axmed Maxamed oo ka mid ah dhalinyaradda aadka wax u baratay ee ku dhaqan Magaalada Hargaysa ee Jaamacadaha wax ka dhiga ayaa bartiisa facebookga soo dhigay arimo cajiib ah oo uu ku cabirayo dareenka bulshada kuwaasi oo ku saabsan jahawareerka ku gadaaman Safarkii Madaxweyne Biixi kaga soo noqday dalka Ginni kunakari.

 

 

Aqoonyahankan oo bulshada la wadaaga Dooddo Cilmiyaysan oo ku saabsan kolba arimaha taagan falanqayntooda ayaa waxa uu Xalay soo dhigay Bartiisa Facebookga ee uu bulshada kala xidhiidho qoraalkan. “Maanta ku toddoba Caano-maal, waxa dariiqyada Hargeisa sudhan boqolaal Billy Board oo Alpha Condè ku sawiran yahay oo lagu aamanayo, waxa kale oo garab sudhan boodhadhka sawirka Madaxwayne  Muuse Biixi oo lagu dul qoray,

 

“Ku mahadsanid madaxwayne “guusha” aad soo hoysay.” Waxa intaa dheer dad maatiya oo TV-yada iyo Radio Hargeisa tuban oo Farmaajo iyo Xamar u tiriniya.

Waxa xusid mudan in Alpha Conde aanu xitaa la kulmin Muuse Biixi.

Hore Siilaanyo wuxuu ula kulmay qaar kamida Madaxwayneyaasha dalalka adduunka ugu saamaynta badan, sida Erdoğan iyo Raysal Waarihii hore ee UK, David Cameron, waxan oo ka badbadinana Laguma arki jirin .

Sikastaba ha ahaatee Guuli kuma jirto diyaarad loo raaco dal yar oo tabcaana oo isba adduunka dawarsada oo laba cisho la soo joogo, guushu waxay ku jirtaa in daacad laga noqdo xalinta dagaalka sokeeye ee Ceel Afwayn ka socda,

 

in dadka loo sameeyo Biyo nadiifa, waxbarasho hagaagsan, Wadooyin, daryeel caafimaad iyo inuu Muuse Biixi suuragaliyo doorashooyinka muddo dhaafay islamarkaana kala diro Goleyaasha Deegaanada ee bilaa mandate-ka ku shaqeeeya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker