Wararka Kasoo Kordhay Dagaalkii Jabahadda Caarre Iyo Ciidammada Qaranka, Muddaharaadkii Ceerigaabo iyo Meesha Xaal-marayo.

Ceerigaabo(OWN) Dagaal gelinkii hore ee maanta Jabhadda Gen-Caarre Iyo Ciidammada Qaranka kudhexmaray aagga u dhexeeya tuulooyinka Dawaco iyo Dhoob ee bariga degmada Ceerigaabo ayaa sababay inta la ogyahay dhinaca jabhadda gaadhi tekniko ah iyo siddeed  askarta jabhadda ah oo laba kamid ahi dhaawac yihiin oo ciidammadu qabteen, dhinaca bulshadana tuulada dhoob gudeheeda waxay ciidammadu kazoo qabteen toddoba oday oo ay maxaabiis ahaan u keeneen magaalada Ceerigaabo, halka labada maxbuus ee jabhadda katirsan iyagana ciidammadu keeneen  magaalada Ceerigaabo laguna dawaynayo cusbitaalka guud ee Ceerigaabo. Dhinaca ciidammada qarankana majiro khasaare ay ka hadleen ama sheegeen mas’uuliyiinta maammulka iyo ciidammada toonna oo la sheegi karo marka laga reebo hal askari oo dhaawacyada cusbitaalka Ceerigaabo la keenay kamid ah. Maxaabbiista isugu jirta 7-da oday ee degaanka lagasoo qabtay iyo 6 askartii jabhadda kamid ahna waxa lagu hooyey xabsiga weyn ee Ceerigaabo.

 

Waxa sidoo kale muddaharaad lagu diiddan yahay weerarka ciidammadu ku qaadeen jabhadda Caarre oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Ceerigaabo ayaa wuxu sababay dhaawaca hal wiil oo dhallinyaro ah oo ay haleeshay rasaas nool oo ciidammada dawladdu u adeegsadeen dadkii muddaharaadayey halka sidoo kalena ay jiraan khasaarayaal aan waaweynayn oo soo gaadhey dhismayaasha magaalada Ceerigaabo, waxana wiilka dhaawacmay isagana lagu dawaynayaa cusbitaalka guud ee Ceerigaabo.

 

Dhinaca kalena magaalada Ceerigaabo ayaa lagusoo rogey baandoo kabilaabmaya lixda fiidnimo ee caawa ilaa inta waagu ka beryi doono, baandoogaas oo aan muddada uu sii socon doono.

 

Sikastaba ha ahaatee  xaaladda ayaa u muuqata xiisad degganaansho la’aaneed oo xilligan kajirta gudaha Ceerigaabo iyo degaanno kale oo hore u xasilloonaa.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker