Socdaalkii Guinea Maxey S. Land ka faa’idey. Maxeyse Dawlada Somalia Guul Ka Heshey??!!! Qalinkii: Maxamuud Biixi

Sidey aheyd gudaha Somaliland(Background)

(1) Afgaran waa siyaasadeed ka dhex jirtey xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada, iyadoo la isku diidey sida loo xulayo guddida doorashooyinka qaranka, in laga dhigo 9 xubnood, halka xukuumaduna rabto in sidii hore loo daayo 7 xubnood.
(2) Xukuumada oo sifo aan cadeyn bilaash u bixisey, warshadii sibidhka ee inteey S. land intii jirteyba lagu muransanaa, iyadoo aan laga heshiin.
(3) In hawadii, S. land gacanta si toos ah Xamar loo hoos geeyey. Dhoofkii xoolahana fasax markii ugu horeysay looga soo qaadanayo Mogdishu.

 

Sidey aheyd gudaha Somalia(Background)
(1) Murankii Gal-mudug oo soo afjarmey, ahaana goljilicda ugu nugul ee Dawlada Federalka laga abaari karo. Oo isku dhac beeleed guud ka dhici karo, kaaso oo ay xiiseynayeen, mucaaradka gudaha, dawlada Kenya iyo waliba Emerates ku.
(2) Khilaafkii Jubaland oo isna gabo-gebo ah oo gacanta sare ay yeelatey, Dawlada Federalka, Kenya na gacanteedii laga maroojiyey.
(3) Tiro dhawr-boqol oo ciidan ah iyo raxan baabuur gaashaaman ah oo Dawlada Federalka Mogadishu lagu wareejiyey.

 

Guulaha Xukumada S. land ay gaadhey
(1) Madaxweyne Muuse in cadaadiskii Xisbiyada ee doorashadu iyo muranka ku xeeran ee saami qeybsigu, rarkiisii waa ka dhacey.
(2) Taageero aanu ku tala galin, oo Muuse ka helay gudaha dalka taas oo wax qarash ahi kaga bixin. Oo min gees ilaa gees, keentey in madax dhaqameedyo kala duwan u riyaaqdey booqashadii aan hore loosii shaacin, natiijadeedana lagaraneyn.
(3) In xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, lagu kalifey in uu is daad raaciyo, oo uu ilduufo, in dadka usoo bandhigo dadweynaha ujeedada iyo faa’ido waxay Guinea keeni karto, iyo socdaalkaas qarashka ku baxay iyo baahiyaha lagu gufeyn lahaa.
(4) Madaxweyne Muuse waxa ka degey, ruxan siyaasadeed, oo aanu marxaladan tamar iyo taag u heyn. Sida Hawadii S. Land iyo dhoofkii xoolaha oo si toos ah Mogadishu loo hoos geeyey, taas oo cambaar siyaasadeed ku noqon laheyd. Sidoo kale, bixinta warshadii Sibidhka ee Berbera oo abaal loo siiyey laba sharkadood oo dalal shisheeye kasoo jeeda, oo hormood ka yahay gacanta midig ee Madaxweyne Muuse waa Ganacsade ”Ina Aw Siciid”.

 

Guualaha Dawlada Federalka
(1) In saameyn culus ku yeelatey gudaha S. land, oo keentey kala qeybsanaan gudaha dadka S. Land, oo kala duwan. Tusaale ahaan, kala aragti duwananta aqoonyahanka in Guinea ictiraaf keeneyso sida Faysal Cali waraabe iyo kuwo ka diidey sida Cali Khaliif. Kuwo dagaal ku baaqey sida Boobe Yuusuf iyo kuwo u qaatey in dagaal qabiil la loolabayo, sida Suldaan Ahmed Sanyare.
(2) Dawlada federalku waxay ku guuleysatey in ay tusto jiiraanka in iltaal daradeedu ka jeedin karin ku tacadiga qaranimada ay gaadhka ka heyso. Taas oo fariin toos ah siisey Kenya iyo Emirates.
(3) Dawladii Somalia waxay heyshay taageerayaal ay isku haleyn karto oo lasafan kara marka ay dhaharato.
(4) In khilaafkii Kenya iyo Somalia, ay xukuumada Mogdishu kaga faa’ideysatey, go’doona galisey, sida Macharia Munene ku qorey jariirada The Standard 8/07/2019 quwadna Somalia siisey.
(5) Sida Madaxweyne Muuse sheegey culays diblomaasi ayaa ku dhacay Guinea oo hogaaminayo midawga yurub oo hor-kacayso dawlada Italy.

 

God-daloolooyinka Somaliland ka muuqdey
(1) Hadalo dhamaan anshaxa diblumaasiyada ka madhan, sida Farmaajo waa dameer ciyey(M/weyne Muuse). Daarood waa minority, waanu kasaareynaa Xamar, Suldaanka Warsangaliyoow Xaafada reer Maxamuud Saleebaan kuma ilaalin karaan(Faysal Waraabe).
Gacan-baanu idinku dhufan( wasiirka warfaafinta, Boobe Yuusuf Ducaale, Saleebaan Kore).
Raxan kala duwan oo shicib iyo dhaqan isku jirta oo waxay rabaan ku hadley, oo murankii ka dhigey sidii geel lakala qaadey. Tani waxay keentey in gudaha Somaliland ka soo baxaan siyaasiyiin iyo madax dhaqameed, ka gilgishey. Tanina halis waxay u tahay furfur ku yimaada midnimadii iyo meel u wada jeedkii shacabiga. 563344 563344
(2) Qorsho la’aan S. Land ragaadiyey kuna noqdey xanuun aaney ka bogsaneyn, iyadoo aan duruusba ka qaadan guul-daroonyinkii siyaasadeed ee soo marey. Sida xog-ururin, faaf-reeb u noqota qorshayaasha siyaasadeed ee dalku waajahayo.
(3) In aaney jirin haba yaraabee, dood ay xamili karto in ay gasho xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka soo marey. Taas oo ay keentey faragalinta xukuumaduhu ku heyso golayaashii kaabi lahaa, sida sharci dajinta, garsoor iyo Xisbiyadii mucaaradka oo hana qaad yeelan waayey, una heysta waxay mucaarad u yihiin kaliya doorashooyin.
(4) Xukuumada Somaliland oo ka aradan kaadirkii(aqoon-garadki) buuxin lahaa hawl maalmeedka dawladnimo iyo jaan-goynta siyaasada guud siiba ta arimaha debada.
(5) Waxa cadaatey in Somaliland laheyn saaxiibo ay isku haleyn karto, halka Mogadishu ay heysato cid ka taageerta mawqif kasta iyo culuska soo waaajaha.

 

Maxamuud Biixi
Hajibihi123@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker