Ictiraafkaynu Goobayno Muusaa Gaagixinaaya

Reer Somaliland waxay kusoo caano maaleen oo ku suntanyihiin kuna suntanaayeen weligoodba midnimo, wax wadalahaansho, wada-tashi, isa-sixid, istoosin, istaakulayn, daacadnimo, caddaalad iyo wadaniyad, ha ahaato Dib u xorayntii Dalka oo naf iyo maal laysla barbartaagnaa iyadoo la midaysan yahay oo midnimadu waata keentay in kaligii taliyihii macangaga ahaa ee hor kacaayey kacaankii shuuciga ahaa ee cududa iyo awooda is biday, uu loodin kari waayey xaq u dirirkii midaysnaa ee Dalka ka xorreeyey isaga oo wakhtigaa ahaa awooda bariga Afrika se MIDNIMO ayaa lagaga adkaaday oo weliba wuxuu ku sheeg jiray Mujaahidiinta ” shan inan oo injirleh” se Hubaal isku duubni iyo isku daacad iyo midnimo ayey shantii inan uu sheegey ku jabiyeen taasi ayaana hubaal ah oo caddaynaysa in midnimo lagu meel maro,

Siddoo kale Somaliland waxa lagu Dhidbay oo calanka lagu qotamiyey midnimo iyo wada-tashi oo waatii Burco layskugu yeedhay reer Somaliland bari ilaa galbeed ku dhawaaqidii Jamhuuriyadan barakaysan ee Somaliland, siddiina lagu hirgeliyey.

Haddaba hadda oo ay tisqaaday oo ictiraafkii tiigsi yahay ayaad moodaa in la carqaladaynaayo oo nasiibdarada jirta ay carqaladaynaayaan ragii loo nisbaynaayey inay yihiin geesiyaashii Dalka u soo halgamay oo uu u horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo raga la halka maala ee xisbiga kulmiye, taas oo siddaynu wada ogsoonahay kala qoqobnaanta iyo kala qaybsanaanta qaranka iyo caddaalad daradu la kowsatay xukunka kulmiye oo waakii dalkoo midaysan kala furfuray ee Xukuumad Dhan-ka-raran judhiiba yagleelay

Ee haddana  xukuumaddii kale xigtay Cid qudha u wada raray oo weliba qaadan waaga dhacay qarraabo kiishay.

Hadaba maanta cadawgii Ayaa u midoobay oo meel qadhaadh ayuu xaal marayaa iyada oo ay tahay in laysku duubnaado oo wada jir iyo daacad iyo caddaalad in lagu dhaqmo ayey xukuumaddii Dadka midayn lahayd iyadu kala irdhaynaysaa oo waata kaliftay in calankii iyo xukuumaddii xamar ee fadhiidhka ahayd ay dhalintii iyo barbaartii reer Somaliland ay magansadaan oo fanaaniinteenii ku jeeni qaartaan calankii cadowga Somaliland,

Siddoo kale axmaqnimada xukuumadani wataa Dalka Colaada ka hurinaysa ee Walaalaha isku diraysa ee isku daawanaysa, Siddoo kale cabudhinta, cago juglaynta, maxkamadaynta iyo xadhiga joogtada ah ee sharciga baal marsan ku haysa suxufiyiinta iyo dhamaan shacabka, ee madnuucday xor u hadalka uu shaqsi kastoo muwaadin reer Somaliland ahi lahaa ee dastuuriga ahaa in uu ruux kastaa uu cabiri karo fikirkiisa oo uu sidda uu u arko garashadiisa uu tabin karo rayigiisa si xor ah dhaliil, canbaaray, saxid, muujin, baayaanin iyo soo bandhig waxa jira ama fikriyan sidduu garashadiisa wax ugu muuqdaan waana wax haboon in latix-geliyo xoriyada odhaaheed ee muwaatinku leeyahay inuu tabinkaro rayigiisa waxa se nasiib daro ah in ragii raadiyow halgan kasoo hadli jiray ee bustaha hoostiisa lagu dhagaysan jiray iyaga oo shacabka dhiiri gelinaaya inay cabudhinta iyo caddaalad darada ka dhiidhiyaan oo weliba goobjooga u ahaa siddii looga dhiidhiyey ee dabka loo boobay ee KUMANAAN KA wiil ee MADI lagu goblamay iyo CURAD iyo aabihii dhalay lahaa ee nafta u wada hurey, intii duunyo loo hurray ee daaro loo dunshay soo may ahayn in Dal iyo Dad xor ah siddii loo helilahaa se maanta waa callool xumo waxa Dalka ka jiraa.

Hadal iyo dhamaan dalkii waxa ka jira kala-qaybin, caddaalad daro, maxkamaday sharci ahayn, xadhig, cabudhin, colaad, xaqsoor-la’aan, qabyaalad, wadaniyad-daro baahsan iyo maamul xumo, duniduna wey ina eegeysaa oo wey ina arkaysaa waxaana waxa u sabab ah xukuumada kulmiye siddaa laajigeed Ictiraafkaynu Goobayno Muusaa Gaagixinaaya.

 

 

 

Illaahay baa Mahad leh

Midnimana Somaliland.

Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker