Ceelafawyn Collaaddaa gashee Cilinka loo waayay Ee Culumaddii diinta iyo Caaqilada dhaaftay

Gabay dagaalka Ceel-afwayn.
Caradii banaanniyo Sanaag  Ceeri iyo daallo
Caqli beelle reer bari  beryahan Caynka uu yahaye
Cuudkii Markuu Wada dhalee  Caanno laga Maalay
Ee Subaga Ciirtii ka baxay Ciida lagu Saydhay
Canbarkaa Inaan la’la Fadhiyin  Waa Cawala aane
Cidna way  Xigaan labada qol Cuurkan baba,aye
Ciilkii horreetaan qabaa Cadanyadiisiiye
Caradhuubta Meeshaan la rabay kuma  Casuuntaane
Dhulka Inuu Cadaawuhu hantiyo kama Cabsootaane
Waa Curubta reer shiikh ragaa haadku Cunayaaye
Ceelafawyn Collaaddaa gashee Cilinka loo waayay
Ee Culumaddii diinta iyo Caaqilada dhaaftay
Haddaan Ciidan lagu Soo Fasixin Ceeb kalaa Imane
Sidii duul Cawaanaa Xinjiro lagu Cilaantaaye
Codkarkii Maxaa Nagaga dhacay Waa Cimriyo yaabe
Maxaa dowladii naga Casilay Calanka Noo haysay
Cashiiriyo Casaba wada dhashay oo Xawska wada daaqa
 haddii taladu Caynkaa ka tahay Caabudaad malehe
Kala Caynsha Caamadan is dilay  Cidhib go,weyaane.
Haddii Nabadda Caynkeedu go,o Caafimaad dhimaye.
Abdihafid Ahmed hurre
Phone/0634274992
by,Burco

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker