Ceelafawyn Collaaddaa gashee Cilinka loo waayay Ee Culumaddii diinta iyo Caaqilada dhaaftay
Gabay dagaalka Ceel-afwayn.
Caradii banaanniyo Sanaag Ceeri iyo daallo
Caqli beelle reer bari beryahan Caynka uu yahaye
Cuudkii Markuu Wada dhalee Caanno laga Maalay
Ee Subaga Ciirtii ka baxay Ciida lagu Saydhay
Canbarkaa Inaan la’la Fadhiyin Waa Cawala aane
Cidna way Xigaan labada qol Cuurkan baba,aye
Ciilkii horreetaan qabaa Cadanyadiisiiye
Caradhuubta Meeshaan la rabay kuma Casuuntaane
Dhulka Inuu Cadaawuhu hantiyo kama Cabsootaane
Waa Curubta reer shiikh ragaa haadku Cunayaaye
Ceelafawyn Collaaddaa gashee Cilinka loo waayay
Ee Culumaddii diinta iyo Caaqilada dhaaftay
Haddaan Ciidan lagu Soo Fasixin Ceeb kalaa Imane
Sidii duul Cawaanaa Xinjiro lagu Cilaantaaye
Codkarkii Maxaa Nagaga dhacay Waa Cimriyo yaabe
Maxaa dowladii naga Casilay Calanka Noo haysay
Cashiiriyo Casaba wada dhashay oo Xawska wada daaqa
haddii taladu Caynkaa ka tahay Caabudaad malehe
Kala Caynsha Caamadan is dilay Cidhib go,weyaane.
Haddii Nabadda Caynkeedu go,o Caafimaad dhimaye.
Abdihafid Ahmed hurre
Facebook Cabdixaafid42@hotmail.com
Phone/0634274992
by,Burco