Haay’adaha Xuquuqda Aadamaha Caalamiga ah oo Walaac Xooggan Ka Muujiyay Ku-Tumashadda Sharciga ee Masuuliyiinta Somaliland

Hargaysa:(OWN)-Haay’adda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International,ayaa war-bixinta ay soo saartay waxay ku sheegtay in saddexdii Bilood ee u danbeeyay Somaliland gudaheeda si weyn loo beegsaday Haay’adaha War-baahinta,Saxafiyiinta iyo Siyaasiyiinta Dawladda dhaleeceeya,taas oo muujisay dul-qaad la’aanta Xukuumadda taladda haysa ee ku aaddan inay xamisho aragtiyaha dadka kasoo horjeeda…

Joan Nyanki,agaasimaha Haay’adda ee Bariga Afrika,Geeska iyo Harooyinka waa waaweyn,waxa ay leedahay “ Korodhka dhibaataynta,cago-juglaynta  ee lagu hayo dadka Xukuumadda dhaliilaa,waxa uu hoosta ka xariiqayaa sida aanay Xukuumadda hadda jirtaa xamil ugu lahayn inay aqbasho kala duwanaanta Afkaarta iyo ilaalinta Xuquuqda Aadanaha”.

Haay’adda ayaa war-bixinteeda kusoo qaadatay Xadhiga Afar qof,kuwaas oo kala ah; Maxamed Sidiiq Dhamme,Guddoomiyaha Garabka dhalinyaradda Xisbigga Waddani,Saxafi Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo laga xidhay Magaaladda Burco,Jamaal Cabdi Muxumed oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Xildhibaan Maxamed Ahmed Dhakool  ah Mudane Baarlamaan iyo Xayiraadda Labo Tv oo fadhigoodu Hargaysa yahay.

 

Amnesty,waxay sheegtay in 18 bishii June, si aan macquul ahayn albaabada layskugu dhuftay Xarumaha Labo Tv,ka dib markii lagu eedeeyay inay baahiyeen Warar khatar ku ah ammaanka qaranka.

Agaasimaha Haay’adda ee Bariga iyo Geeska Afrika,waxay sheegtay in xadhiga iyo Xayiraadaha Haay’adaha Warbaahintu ay tahay Ku-jees-jees Dastuurka Somaliland ah,kaas oo damanaad qaaday Xariyadda hadalka iyo fikir-dhiibashadda…

Maxamed Sidiiq Dhamme,ayaa waxa war-bixinta lagu sheegay gurigiisa Ciidamadda ammaanku kasoo xidheen 1-dii Bishii May,iyada 6-dii June lagu soo oogay eedaymo ay ka mid yihiin ; inuu wax-ka-sheegay Sharafta Madaxweynaha,iyo inuu rabshado dhiirigalinayay,27 June lagu helay Aflagaado Madaxweyne,iyada Lix bilood oo xadhig ahna lagu xukumay…

 Jamaal Muxumed Cabdi oo shaqaale ka ah Wasaaradda arrimaha gudaha ,ayay war-bixintu sheegtay in loo xidhay ka dib markii wax-ka-sheegay Wax-tarka adeegyadda Ciidamadda Booliska…

Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo ah Saxafi Madax-banaan,ayaa Amnesty sheegtay in lagu soo eedeeyay Faafinta Dacaayado kasoo horjeeda qaranka iyo warar been-abuur ah.

 

War-bixinta waxa lagu sheegay inay Masuuliyiintu is-ticmaalaan Xeerka Ceqaabta ee Pennal Cordka ee soo baxay sannadkii 1962-kii oo xakamaynaya Xoriyadda hadalka,isla-markaasna aan la jaan-qaadahayn Dastuurka Somaliland…

Gabo-gabaddii,waxa War-bixinta ugu baaqday Dawladda in si shuruud la’aan ah loo sii daayo dadka xidhan,isla-markaasna la dhawro Xoriyadda hadalka iyo kala fikir duwanaanta Siyaasaddeed sida uu damaanad-qaadayo Dastuurka Somaliland…

Halkan Ka Daawo War-bixinta

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker