Godka Lagu Janne Muuse Biixi Isagaa Siyaasadda Ka Saaray Cigaal, Waxaana Ku Soo Celiyay Siilaanyo

Godka Lagu Janne Muuse Biixi Isagaa Siyaasadda Ka Saaray Cigaal, Waxaana Ku Soo Celiyay Siilaanyo

“Muuse Biixi  miyuu Somaliland ka qabtay Cigaal Mise Cigaal ayaa Somaliland ka qabtay”?

Madaxwaynihii labaad ee Somaliland Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal casharo badan ayuu Somaliland uga tagay duruustaas waxa kow ka ahayd siyaasad ka saaristii Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha hadda … Siduu uga saaray Siyaasadda gabi ahaanba Muuse Biixi, yaase ku soo celiyay saxadda, sidee ayuuse ugu soo laabtay …?

Madaxweyne Cigaal 1993-kii, markii la doortay raarta wuxuu soo gashaday Kooxdii  SNM ee saraakiisha ahayd, Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa Madaxweyne ku-xigeen u noqday, Muuse Biixi ayaa Wasiirka arrimaha gudaha u noqday, Dayib Guray ayaa Wasiir Ganacsi u noqday. Marka laga tago Maxamed Kaahin iyo Ibraahim Dhagawayne intii badnayd sarakiishii SNM xilal ayuu u dhiibay, khibrad iyo casharo ayuu ka laha, mar Dadka ayuu tusaayay, marna in Ciidanka iyo xilalka siyaasiga ahi kala dhumuc iyo maamulid ballaadhan yihiin ayuu baraayay. Musue Biixi qaybtaas ayuu kamid aha, 2-sanno ayuu Xilka kaga qaaday markuu hayay, markii uu ka qaaday Muuse Biixi banaanka ayuu Hargaysa uga baxay, kadib odayaal uu hoggaaminaayo Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar ayaa ergo ugu tagay Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal iyagoo Madaxweynaha ka codsaday inuu xilka Wasiirka arrimaha gudaha ku celiyo Muuse Biixi.

Cigaal siyaasi mawjad ah oo qotadiisa  dubaladeed gun dheertahay ayuu aha Alle hawnxariiste, wuxuu yidhi “Inanku waa Inankagii haddu xilka aan ka qaaday dib u qaadanaayo hadda ayaan magacaabaya ee waydiiya”. Waydiinay oo wuu qaadanaya ayaa la yidhi, Intuu Galinkii hore magacaabay ayuu kii Danbe ka qaaday… In aanu Muuse Biixi siyaasi ahayna wuu xaqiijiyay, waayo Madaxweyne xil ka qaaday u jeedadii uu kaga qaaday ayaa nool macquul maha inuu haddana isla markiiba dib kugu  magacaabo. Waa halka ay ku soo baxday “Waa Rafadkay Rafanaysay”. Muuse Biixi Cabdi markii Cigaal alle hawnaxariiste waqcadaas ku sameeyay qalbada ayaa jabtay, Dagaal waxba lama hadhin, Intase tariikhda haysa ayaa hayse Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal ilaa jifadiisa hoose ayuu ka ka xaystay oo uu cid ka waayay .

Waa markay Wasiir Daakhiliga noqonayaan Axmed Jaanbiir  Suldaan iyo Ismaciil Shaqalle oo Taliyaha Ciidanka Qaranka noqonaaya iyo Jiilkaasi… Muuse Biixi ayuu meesha kaga saarayay Cigaal, waa xilliga uu Muuse Biixi leeyahay “Ma maanta ayaad awoodi ku soo koobtay in Suldaan idin wada xukumo, kkkkk “Daakhiligii Taliyhii Ciidamadda, Xaakimkii ” waa marka uu sidaa leeyahay .. Muuse Biixi Geelisa ayuu raacday, gabi ahaanba Siyaasadda banaanka ayuu ka dhigay Cigaal, intii ogayd ayaa ogayd halkaas iyadoo maraysa ayuu Cigaal unkay nadaamka Axsaabta badan (Xisbiyada) UDUB ayuu ku dhawaaqay, Dr. Cabdi Aw Daahir ayuu Xoghayihii Guud uga dhigay isla markaana ahaa Wasiirka Caafimaadka, Cali Warancadde oo isku waday jagada Xoghayaha ayaa muraaladilaacay, waa sababtii uu kaga baxay Xukuumaddii Cigaal, furidii ururada  siyaasadda ayaa ragg badan oo buulka ku jiray qoorta la soo kaceen, Ururkii SAHAN ayay isku uruursadeen ragg ay ka mid ahayeen Muuse Biixi, Cali Maxamed Warancadde, Alle hawnaxariste Maxamed Cabdi Iskeerse, oo dhammaantood ay Madaxweyne Cigaal isa soo seegeen, waxaa Guddoomiye u noqday Xildhibaan Prof Maxamed Cumar Jiir oo wali ku jira Golaha Wakiilada. Muu tisqaadin SAHAN markii hore markii danbena Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa waddo cad ka mariyay Muuse Biixi Cabdi.

Isagoo barakace siyasadeed ah ayuu u gacan haadiyay Axmed Maxamed Siilaanyo oo KULMIYE markaa hawada galiyay, ragg dhalinyaro u badanaana haysta, Jabhadii SNM way ku yarayd aasaaskii KULMIYE, dhalinyaro saxad ku cusub oo Dr. Axmed Xaashi Oday ugu wayn yahay oo Cigal Aagaasime u soo noqday, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Iid Dhinbiil ragg nocaas ah ayuu hastay KULMIYE SNM Daa’uud Maxamed Geele alle hawnaxariisto oo Xoghaye Guud noqday iyo Cali Guray ayuu ka haystay . Muuse Biixi sidaa ayuu Siilaanyo siyaasadda ugu soo celiyay balse Cigaal wuu ka saaray ..

Ilaa uu Madaxweyne noqdayna Axmed Siilaanyo ayaa madaxa dadka ka saarayay, waa halka ay ku kala tagayaan Siilaanyo iyo Cigaal xagag siyaasadda, waayo Siilaanyo Muuse wuu fahmi kari waayay inuu Dalka dan u yahay iyo in kale Cigaal-se wuu fahmay .. Mida labaad Axmed Siilaanyo quwada Muuse Biixi ayaa alle tusay, xooga ayuu isugu  hagaajistay Axmed Siilaanyo intii ayuu Madaxweyne kaga helay ammaantana Muuse Biixi waan u haya bac-bacdiisi kaga helay kursigii siday doontaba ha noqte hadalbaase ka danbayn oo hoggaaminta iyo helida kursigu waa kala gaar..

Hadalkaa dheer waxa iga keenay weedhi Madaxweyne Muuse Biixi ee ahayd Cigaal ayaan Dalka ka qabtay oo ka badbaadiyay..

Tusan ..

Muniir Axmed Cigaal..

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker