Prof. C/nuur Gudoomiyaha Xisbiga Samadoon Qore zakariye cawad dhunkaal

Waxaan salaamaya dhamaan Bahda saxaafada soomaaliyeed.

Waxa aan qalinka u qaatay inan ka hadlo siyaasiga heli kara hogaanka mustaqbalka dhow ee Soomaaliya ee higsanayso,

siyaasiga helay kasbadayna mid yar iyo mid weyn quluubta iyo aayaha dadweynaha bulshadda Soomaaliya ,kaasna waa siyaasiga ay shicibku ku hanweyn yahay taageero iyo sumcad baaladhan ku leh dhexdooda,  waana musharaxa xisbiga Samadoon mudane  Prof C/nuur Maxamed Yuusuf.

Sida aynu ognahay wakhtigan siyaasiyiin ayaa tartan u galaya hanaankooda siyaasideed Iyadoo ay sidaa tahey ayaa hadana lagu khasban yahay in  la doorto qofka leh dulqaadnimo, diinimo, dadnimo iyo hogaaminba, Sida ay qabaan inta badan shicib weynuhu mudane C/nuur maxamed ayaa ah siyaasiga ugu haboon inuu noqdo madaxweynaha 5 ta sanno ee soo socda inshaalaahu ,sidoo kale dadka siyaasadda ka falanqeeya waxa ay sheegaan inuu xisbiga SAMADOON yahay xisbiga ugu dhow hanta hogaanka dalka.

Kooxda ka soo horjeeda Kartidda iyo Haybada uu ILAAHEY u siiyey Prof Cabdinuur Hogaaminta, Qancinta iyo Hadal soo jeedinta taariikhda gasha mar walba, waxaan leeyahay saaxiibayaal meel aad ka soo heshan meel madow kusaabsan siyaasigan ma haysan ? Jawaabtuna waa maya, waa nin nadiif ah oo ka fag fawaaxishka siyaasiyiinta ay gasho, waa nin dalkan u soo maray dedaal fara badan sidii uu u hano qaadi lahaa iyo sidii ay mar uun Soomaaliya cagaheeda ugu istaagi lahayd.

marka la eegayo Shakhsiyada Cabdinuur maxamed yuusuf waa nin lagu tilmaami karo inuu leeyahay karti Hogaamineed iyo Balaaqo uu ILAAHEY u siiyey inuu qancin karo Bulsho dhan.

taana waxa tusaalaheeda kuugu filan Guusha uu gaadhay Xisbiga camrigiisu yar yahay ee Samadoon uu maanta Guddoomiyaha ka yahay, oo ay qirayaan dadka Soomaaliya meel walba oo ay joogaan in inta uug badan taageerayn xisbigan.

Taariikhda Guddoomiye Cabdinuur waa mid aan la hilmaami karin oo ay qirayaan dad badan taasi oo lagu tilmaamo Shakhsiyadiisa inuu yahay nin Go’aan u leh waxana uu godan karo, oo inta badan Siyaasiyiinta Soomaaliya ku adag tahay inay noqdaan rag Go’aan leh.

Ugu danbayn Prof Cabdinuur waa nin shacabka dhexediisa xushmad ku leh iyo taariikh waana ta siisay inuu noqdo madaxweynaha mustaqbalka ee Soomaaliya higsanayso, waana shakhsi ay muwaadiniintu aad ugu hanweyn yihiin iyo xisbiga samadoon.

Qore Zakariye cawad dhunkaal

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker