Madaxweyne Trump oo soo bandhigay naqshadda cusub ee diyaaradaha madaxtooyada Mareykanka

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday naqshadda cusub ee diyaaradaha madaxtooyada Mareykanka ee loo yaqaan ‘Air Force One’.

Trump ayaa naqshadda cusub ee diyaaradahaasi madaxtooyada soo bandhigay xilli uu wareysi siinayay telefishinka ABC ee dalkaasi Mareykanka.

“Waxaa soo baxaya diyaaradaha Air Force One oo cusub,” ayuu yiri Trump oo gacanta ku hayay sawirrada naqshadda cusub ee diyaaradahaasi oo lagu xardhay midabbada casaanka, caddaan iyo buluug.

 

Waa markii ugu horreysay oo dib loo naqshadeeyo dayaaradahani tan iyo xilligii madaxweyne John F Kennedy.

Dadka dhaliila madaxweyne Trump ayaa sheegaya in naqshadda cusub ee diyaaradahani madaxtooyada ay u egtahay diyaaradda uu khaaska u leeyahay madaxweyne Trump.

Diyaaradahani madaxtooyada Mareykanka ayaa ah laba diyaaradood oo isu eg, waxaana magaca Air Force One la siiyaa midda uu markaasi madaxweynaha raacayo.

 

Diyaaradahan oo ah nooca Boeing 747s ayaa la isticmaalayay ku dhowaad soddon sano. Waxaana diyaaraddiiba ay ka kooban tahay saddex dabaq, daaqado aysan xabbadu karin, xarumo caafimaad iyo meel cunnada lagu kariyo oo halkii mar ay cunno ka cuni karaan qiyaastii boqol qof.

Labadani diyaaradood ee cusub ayaa waxaa ku bixi doona kharash gaaraya 3.9 bilyan oo doolar, waxaana ay hawlgali doonaan marka uu madaxweyne Trump xilka banneeyo.

Madaxweyne Trump ayaa sheegaya in diyaaradahan cusubi ay aad uga weyn yihiin kuwa ay hadda madaxtooyada Mareykanka isticmaasho.

“Anigu waxaan arrintan u sameynayaa madaxweyneyaasha iga dambeeya ee ma ahan mid aan anigu ku daneysanayo,” ayuu yiri Trump.

Diyaaraddii ugu horreysay ee Air Force One ee uu isticmaalay madaxweyne Dwight Eisenhower ee sanadkii 1959 ayaa midabkeedu ahaa casaan iyo dahabi isku jira.

Balse madaxweyne John F Kennedy ayaa midabkaasi ka badalay oo ka dhigay midka haatan la isticmaalo ee buluugga iyo caddaanka ah.

Madaxweyneyaasha waddamada Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska ayaa iyaguna sidoo kale isticmaala diyaarado leh midabka casaanka, caddaan iyo buluug.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker