Madaxweynaha Iran Oo Dawlada Maraykanka Ku Eedeeyey Abaabul Dagaal

Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani oo hada ku sugan dalka Kyrgyzstan ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday laba Markab oo marayey Gacanka carbeed ay qeyb ka tahay ololaha Maraykanka ugu jiro inuu dagaal kusoo qaado wadankiisa. Rouhani ayaa kamid ah Hogaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah ururka Shanghai Cooperation Organization (SCO) oo uu maanta shir uga furmay magaalada Bishkek, caasimada Kyrgyzstan.

Furitaankii shirkaasi ayuu khudbadii uu halkaasi kasoo jeediyey Madaxweynaha Iran ku sheegay in Maraykanka uu si cad ugu bareeray inuu dagaal ka abuuro Bariga Dhexe.

Maraykanka ayaa ku eedeeyey Ciidamada Jamhuuriga IRAN inay ka danbeeyeen weerarkii lagu qarxiyey labadan Markab oo kusii jeeday dalalka Singapore iyo Taiwan. Waxayna Militariga Maraykanka shaaciyeen filim ay ku tilmaameen inuu muujinayo ciidamada Iran oo mid kamid ah Maraakiibta la qarxiyey ka furaya waxay ugu yeereen miino qarxi weyday, balse muuqaalkaasi ayaa ah mid aan weli si madax banaan loo xaqiijin.

Hase yeeshee mid kamid ah Mulkiilayaasha reer Japan ee leh mid kamid ah Maraakiibta la qarxiyey ayaa sheegay in kahor intuusan qaraxa dhicin ay shaqaalaha Markabka saaran arkayeen “Wax duulaya” oo loo maleenayo Drone ama Gantaal.

Dowlada Maraykanka oo cadaadis ku heysa dalka Iran tan iyo sanadkii 2017 ayaa bilihii lasoo dhaafay ciidamo badan usoo dirtay gobalka, isla markaana ku eedaysay Iran inay qorsheenayso inay khal khal geliso amniga Bariga Dhexe.

Iran ayaa dhankeeda ku eedaysay Maraykanka iyo xulafada uu ku leeyahay gobalka ee Israel, Sacuudiga iyo Imaaraatiga ay wadaan qorshe dheer oo ay ku abaabulayaan weeraro ay mar marsiinyo uga dhigtaan duulaan militari oo ay ku qaadaan dowlada Iran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker