HADALKII Xildhibaanka & Ku-Margashada CADDAYNTEEDA!

Salaanta islaamka ka dib, waxaan  maalin dhoweyd kala kulmay xarunta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, qiso wax ku qaadasho ugu filan qof kastoo doonaya inuu dariiqa Xaqa Ilaahay waaajiyo, kana badbaado sharka sheydaanka iyo xulafadiisa.

Ilaahay SW Quraan kariimka waxuu inoogu sheegay aayad macnaheedu ahayd ‘Hadii mid FAASIQ (Beenaale) ah war idiinla yimaado, iska hubiya…’ xadiis Nebiga NNKH ayaa ahaa ‘Qofka arka xumaan gacantiisa ha ku bedelo, hadaanu awoodin, carabkiisa (hadal), hadaanu awoodin niyada haka naco’ maxaa yeelay, waxay meesha ka saarayaa  naxariistii Ilaahay ummad islaamka dhexdooda ku abuuray, waana wadiiqooyinka Sheydaanku ummada ku dhexdhigo mushkiladaha, Ilaahay-na inbadan inooga digay halisteeda, Ilaahay kuwii ka badbaada ha innaga dhigo dhamaanteen, Aamiin.

Waxaan anigoo fadhiya maqaaxida shaaha ee xarunta Baarlamaanka khamiistii 13 June, 2019, soo fadhiistay nin xildhibaan ah oo aqoon wacan isu leenahay oo dad qaraabo/asxaab ahaayeen oo la socda, waxuu ka sheekaynaa hadal, dhab ahaan damiirka wanaagsan diidayo, kana mid ahayd ereyadiisa ‘Wasiir walba inta gurigiisa joogta ayuu wasiirka kale isdhaafsadaan shaqo siintooda’… annigu cidna halkan (baarlamaanka) ima qorin…annigaa iwm..iwm.

Muddo daqiiqado ah ayaan naftaydu u hakatay bal in dadka kale goobta fadhiyey una badnaa xildhibaano iyo shaqaalaha xarunta oo siddayda oo kale maqlayey eego ficilka ay kaga jawaabaan, oo isweydiinaysay sababta ninkan ummada masuuliyiinteeda ka mid ah isagii uga shaqeynayo ama u faafinayo dhibaatadeeda iyo hadalkan FITNADA kicinaya, hadii ay jirtana xitaa, laga sugayey wax-ka-qabashadeeda iyo saxxitaankeeda? Illayn cid ka xigta ma jirtee?

Intaan u soo dhowaaday miiskii ay fadhiyeen ayaan kula kaftamay ‘Xildhibaan, maalintii hareerahaaga la eegaa, habeenkiina waa la gaagaabsadaa’ ayey Soomaalidu tidhaahdaa! Ninkii intuu ulajeedkayga fahmay ayuu ii celiyey, ‘Cid aan ka baqanayo ma jirtee, adigu weriye ayaad tahee ma qoraysaa, anigaa kuu sheegayee?

Waxaan ugu jawaabay, HAA, laakiin, caddaynteeda ayaan kaa rabaa…? Ninkii xildhibaanka ahaa, intuu wejiga bedelay oo cadho ka muuqatay hadalkiisa ayuu ii celiyey ADIGU MA MAXKAMAD ayaad tahay? Waxaan ugu jawaabay, hadal/ dhaliil xaqiiqo ah oo caddaymahiisii wata keliya ayaan qaadan karaa? Waar mee ASKARTII xerada joogtay ayuu hadalkiisii u dambeeyey ahaa, ka dibna waan ka soo dhaqaaqay.

Akhristayaal, sidaad qormadan kooban ka arki kartaan, ninkii I lahaa anigaa kuu sheegayoo weriye ayaad tahee, qaado, waxuu nin kale noqday,markaan weydiiyey inuu CADDAYNTEEDA keeno?

Waxaan Ilaahay uga mahadcelinayaa inuu I waafajiyey ka digtoonaanta halistii sheydaanka iyo shar-wadeenada, idinka iyo UMMADA ISLAAMKANA kuula dardaarmayaa, inay iska hubiyaan, sifahii ay ugu suurtoobaysaba, WAR kastoo loo sheego ama maqlaan, si aanay uga dul dhicin duul aan waxba ogeyn, dibna ka qoomamoon HUBIN LA’AANTA WARKII AY QAATEEN.

Mohamoud Ali Walaaleye
Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter
http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker