Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Oo Si Kulul U Cambaareeyay Somaliland

Guddoomiyaha golaha wakiilada dowladda Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga Baarlamanka, ayaa si kulul u cambaareeyay duullaanka Somaliland ku soo qaadday degaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna degmooyinka Yubbe iyo Damalla-xagarre ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in weerarka ay Somaliland ku soo qaadday degmooyinkaasi, ay ku doonaysay in ay ku fashiliso imtixaanka shahaadiga Puntland, oo wakhtigaa ka socday degmooyinka gobolka Sanaag, isagoo muujiyay in aan Puntland u dulqaadan doonin daan-daansiga noocaas ah.

 

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in wixii dhibaato ka yimaada daan-daansiga Somaliland ka waddo gobollada Sool iyo Sanaag, ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto xukuumadda Hargeysa, haddii aysan joojin ficillada lagu wiiqayo nabad-gelyada gobolladaasi.

 

Mudane Dhoobo ayaa u mahad-celiyay dhammaan saraakiishi, mas’uuliyiintii, iyo ciidamadii ka tirsanaa Somaliland ee ka soo baxay, kadib markii ay qaadan-waayeen nidaamka cunsuriyadda ah ee maamulkaasi ku dhisanyahay.

 

Hoos ka daawo khudbaddiisa oo dhan

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker