Xidhiidhka Cusub ee Somalia iyo Norway oo siyaabo kala duwan Loo fasishay

Wasiirka arrimaha dibadda Norway, Ine Eriksen Soreide, ayaa 10-kii bishan June booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, ayadoo halkaas wadahadallo kula yeelatay madaxda Soomaaliya.

Booqashada Ine Eriksen Soreide ayaa imaanaysa ayadoo la sheegayo in xidhiidh sii xoogaysanaya uu u dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Norway.

War saxaafadeed ka soo baxay Norway ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda ee Norway, Ine Eriksen Soreide ay booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho ayadoo halkaas kulamo kula yeelatay madaxweynaha Soomaaliya , Ra’iisal Wasaarihiisa iyo diblumaasiyiin mug iyo miisaanba leh.

Norway ayaa ammaantay xukuumadda Soomaaliya oo ay sheegtay in ay soo kabanayso isla makaasna Xasiloonida ka jirta Soomaaliya awgeed laga fulin karo barnaamijyo horumarineed.

Barnaamijyada Norway ay ka hirgalisay Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah nidaam is diiwaan gelin ah oo casri ah, kaas oo gacan ka gaysanaya bixinta mushaarka shaqaalaha dawladda iyo ciidamada.

Dadka Wax falanqeeya ayaa qaba in Norway dano badan oo dhaqaale ay kalleedahay Soomaaliya.

“Norway dan bay Soomaaliya ka leedahay, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale labadaba, Soomaaliduna dan bay leedahay, laakiin danta Norway ay leedahay ayaa ka wayn tan Soomaalida” ayuu yidhi Dr Abuukar Yuusuf Warsame oo wax ka dhiga Jaamacad ku taal dalka Sweden.

Norway ayaa horay heshiisyo dhanka baadhista shidaalka ah ula gashay dalka Kenya oo muran dhanka badda ah uu ka dhexeeyo Soomaaliya.

Sida uu qabo Dr Abuukar Norway ayaa khasaare ku qabta haddii uu sii socdo muranka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka badda.

Norway ayaa horay sahan uga samaysay aag badeedka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in Norway ay laba canlaynayso oo aysan doonayn in marna ay khasaarto ayadoo labada dhinacba heshiis kula jirta.

“Haddii Soomaalidu ku guulaysato kiiska badda, Norway waxay doonaysaa in ayadu ay hoggaamiso mashaariicda horumanineed” ayuu yidhi Dr Abuukar.

Norway ayaa tababarro u samaysa shaqaalaha wasaaradaha batroolka iyo Maaliyadda ee Soomaaliya, waxay sidoo kale halkaas ka fulisaa barnaamijyo door ah oo horumarineed.

“Dadadaalladaas faraha badan, Norway waxay uga golleedahay in ay noqoto cidka ugu horraysa ee ka faa’idaysata khayraadka Soomaaliya haddii ay Soomaaliya ku guulaysato dacwadda muranka badda”.

Labada waddan mid walba wuxuu sheeganayaa inuu leeyahay biyahan oo ku fadhiya dhul lagu qiyaasay 1,000km oo isku wareeg ahDAILY NATION

Dadka qaar ayaa qaba in galaangalka Norway ay Soomaaliya ku leedahay ay sabab u tahay in qaar ka mid ah madaxda ugu sarraysa Soomaaliya ay haystaan dhalashada dalkeeda.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayrre ayaa ka mid ah madaxda haysata dhalashada dalka Norway, isla markaasna Saami ku leh sharikadda SomOil.

Mar BBC-du wax ka waydiisay in ay jiraan dano isdiidan oo ku aaddan in qaar ka mid ah masuuliyiinta Soomaaliya ee haysta dhalashada Norway ay u xaglin karaan dhanka Norway ayuu Dr Abuukar Yuusuf Warsame ku Jawaabay: “Tuhun ku saabsan danaha isdiiddan iyo qofku siduu isugu dheelli tiri lahaa danaha labada dhinac waa jiraa, balse hadda iima muuqato wax caddayn ah oo arrintaas la xidhiidha”.

Si kastaba ha ahaatee xidhiidhka Soomaaliya iyo Norway ayaa u muuqda mid aad usii xoogaysanaya ayadoo dhanka kale uu jiro muran u dhexeya Soomaaliya iyo Kenya, ayadoo Norway ay labada dhinacba heshiis kula jirto

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker