Wasiir Saleebaan Cali Koore: Mashruuc Fashilmay Waxba Lagama Maalgeliyo W/Q Siciid Gahayr

“Baroortiyo warkaagaa la mida, ruux badweyn gelaye”

5tii Mey 2018ka ayuu Wasiir Saleebaan Cali Koore dhagax-dhigay biyo-xidheen laga dhisayo deegaanka Kalagooye ee Degmada Sallaxley. Wuu banjaray oo baaqday, far dambena lama dhaqaajin. Sannad iyo dheeraad kaddib oo ku beegan 8dii Juun 2019ka ayuu Wasiirka Biyuhu ka yidhi degmada Sallaxley “Kalagooye waxa aanu ka maalgelin lahayn mashruucii Xumboweyne ee ay Carabtu maalgelinaysay, oo ay lacagi ka hadhsanayd. Way raagtay”

Wasiir Saleebaan Cali Koorow, waxa aad sheegtay in mashruuca Xumboweyne fashilmay Feberweri 2018ka, saddex bilood kaddib ayaa la dhagax-dhigayaa Kalagooye (May 2018). Waa goor rejada mashruuca Xumbo-weyne dhimatay oo aad afkaaga ka sheegtay. Ma mashruuc aad sheegtay in uu fashilmay ayaad ka sugaysaa baaqi lagu dhiso biyo-xidheen? Dhagax-dhigga Kalagooye iyo Fashilka Xumboweyne kee horreeyay? Ma hal bakhtiday ayaa caano laga sugaa?

Ma lacagtii Xumboweyne ayaa maskaxdaada kaaga sii jirtay oo aad ku riyootay inay sideedii isaga soo daba-dhacayso? Ma mashruuc ayaa mashruuc kale loo garoocdaa? Miyaanu weyd noqdeen mashuuca aad lacagtiisa haamaha kale u tolatay: haddiiba maalgelin loo heli lahaa? Billaahi calayk, ma aannu arkin Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaya Kalagooye/Sallaxlay, ma waxaas ayaad ku wada socoteen? Mise ummadda aad u botorinayso ayaad badawsatay?

Qiilka iyo sababta aad u cuskatay baaqashada Kalagooye ma aha mid caqli ah. Waxa aad ka gabbatay inaad ugu yaraan ummadda ka raalligeliso daasadda madhan ee aad u garaacday. Kollayba dad harraad hayaa way jecel yihiin codka roobka, aragtida biyaha iyo wax kasta oo oonka tiraya. Sidaas ayay u dhegsteen hadalka aan meesha qaban ee aad labada goor u jeedisay.

Markii weydiimaha ku saabsan Kalagooye laga soo tebiyay warbaahinta, waxa soo qaadatay hadal khudbaddaada ku jiray oo aad ku dartay qayb aan khubaddaada ku jirin. Qaybta cusub, waxa aad tidhi “Maanta Somaliland waa aynu ka baxnay marxaladii oo dadkii waxa ay doorteen in wax loo qabto. Wax faraq qof loogu rido, in qaranka wax loo qabtaa baa ka quman oo is la qaadnay. Dhabbada maanta ee waxqabadka, horumarka iyo dawladnimadaa baa la haynayaa”. Waxa ay u muuqatay inaad ka gabbanayso fashilka aad masuulka ka tahay ee Kalagooye, adiga oo ku dhuumanaya far! Ummadda waxa aan ka raalli-gelinayaa inaad ka baydhay ujeeddadii dhambaalka kugu socday. Cid wax ku weydiisay ma jirin. Sababta aad khudbaddaada uga soo qaadatay intaas ayaa xitaa is-weydiin leh!

Haddii ay cidi lacag booli ah qaadanayso, adiga ayaa markii Baarlamaanka laguu doortay 2005 iska dhoofay, shan sannana iskaga maqnaa dibadda oo qaadanayay lacag aanad subax u soo shaqo-tegin. Taas qiilkee ayaa kuu banneeyay?

Wasiirka wasaaradda biyaha waxa aan leeyahay:

Buruudkiyo milguu waa sed uu, Guulle bixiyaaye

Bagaashkiyo waxaa iibka gala, baabka duunyada’e

Siday tahay baraarkaa la gado, bawnku jari waaye

Burjigiyo karaamaan waqood, baayac gelahaynne

Bishin aan run sheegayn kolkaba, kuma bogaadsheene

Bulshadeennu waa marag waxaan, baadigoob rabo’e

Baad iyo ma doonayn kolnaba, xoolo booliya’e

Baryo iyo kamaan hadal darraad, baahi gooniyae

Wuxuu biiyay goor hore haddaan, boowe yara taabto

Bawlad iyo maxaa keenay maal, bini ma weydiine!

Biyo-gudhiye weedhaan idhiyo, baydhi dulucdiiye

Markii aan wixii baaqsadiyo, boogta yara daaray

Beentiyo markaan dhagax-dhiggii, boowe kugu diiday

Inaad raalli-bixisaa ekayd, boogahaa jira’e

Bu’dii nuxurka maad taaban iyo, boodday mirirkiiye

Adoon baylahadii awdin baad, birinbirqaysaaye

Markii Bariga loo kacay adaa, Hawd u sii baxaye

Naxli biiray oo baahsan baad, nagu butaacdaaye

Dab baxaaya baansiinku wuu, sii belbeliyaaye

Bulaankaagan eelkiyo dhibtaan, lagu bogsiiyeene

Bahdishaye af Soomaaligii, waad burburisaaye

Intaad burisay eed biisay baa, gaadha boqollaale

Baanaha haddii aad waxqabad, “beegso” tidhi maanta

“Biyo-xidhe waxaa lagaa samayn, buur” adaa yidhiye

Xaajada wixii lagu beddelay, iima soo bixine

Maxaa baajay Kala-gooye iyo, baaqi shalaytoole

Bilo iyo gu’ buuraha ah hortood, bayj adaa furaye

Ballan-qaadki aad naadisaan, baafiyaa weliye

Ummad beer-caddaad dilay shacbigan, beerka ka harraadan

Balligaad u qodayseen maxaa, baajay fulintiisa?

Ma dhaqaalihii baan la bixin, biishtay taladiiye

Mise bidhashadii baad cunteen, gawsku waa bahale

Mise buuqyo kacay baa jiriyo, beelo kugu yoomay?

Baraagaha cirkoo soo da’aa, buuxin idilkoode

Barakiyo Ilaah baa ku ladhi, booyadaa wacane

Bilyannada mashruucii ahaa, boobte idilkiiye

Ballaadhkii Hargeysiyo wixii, maal ku baxay oo dhan

Bayaankaaga adigaa ku yidhi, “waa bar-kuma-taal’e”

Bililiqada maad sheegin kii, gooyay bawdada’e

Ficil aan ku beeraqo haddaan, lay bandhigahaynnin

Ballan weeye dhagaxii inaan, bohol ku tuuraaye

Adigoon baxnaaniyo u hayn, daawo lagu baanto

Balag baad u lulaysaa dad aan, beenta kaa geyinne

Billaawuhu wuxuu goynayaa, burucyadaadiiye

Xumboweyne waa kii bakhtiyay, kaad banjariseene

Sideed baaqi uga sii fishaa, waa mashruuc buraye

Baroor iyo warkaagaa la mida, ruux badweyn gelaye

Baranaye macmiil baan u nahay, hayla sii baranne

Buhbahaada naga daa wasiir, haygu sii badinne

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker