Warshad soo Saaraysa Dharka Ciidamada oo Dawladda Turkigu ku Caawisay Somaliya Oo Laga Dhegax-dhigay Muqdisho.(Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay dhismaha xarunta warshad soo saareysa dharka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

 

Warshadda oo soo saaraysa dharka ciidanka ayaa fududaynaysa in askari kasta ee Soomaaliyeed uu helo labis u gaar ah,taasoo meesha ka saaraysa dharkii ciidanka ee laga keeni jiray dibadda iyo in dharka ciidanka ay isticmaalaan shaqsiyaad aan ciidanka qayb ka ahayn.

Dowladda Turkiga ayaa Warshadda iyo dhammaan waxyaabaha ay ku shaqaynayso ugu deeqday dowladda federaalka Soomaaliya oo hadda gacanta ku haysa, waxaana la howl gelinayaa warshadda marka uu dhimaado dhismah ay ku shaqaynayso si ugu dambayn ay u shaqo billaawdo horraanta sannadka 2020.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa fulinaya dhismaha warshadda oo qorshuhu yahay in lagu dhammeeyo sannadkaan gudihiisa, iyada oo qalabka lagu dhisayo xarunta ay soo saarayso warshad uu leedahay taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo dib loo howl geliyay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeeray warshadda qalabka dhismaha ayaa ku bogaadiyay taliska asluubta dadaalka ay u galeen in ay dib u howl geliyaan warshadda, waxa uuna faray in xilliga loo qorsheeyay lagu dhammays tiro dhismaha warshadda dharka ciidanka oo muhiim u ah dalka, qaybna ka qaadanaysa horumarinta amniga iyo qalabaynta ciidanka.

Wasiirka difaaca XFS, Taliya ciidanka xoogga iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda dhagax dhigga warshadda soo saaraysa dharka ciidanka qalabka sida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker