Tabobar Loo Soo Xidhay Mudanayaasha Golaha Guurtida JSL Ee Ku Soo Biiray Lixdii Sanno Ee U Dambeeyay

Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda  Somaliland Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa tabobar ku saabsan dar-dargelinta hawlaha shaqo ee golahaas u soo gabogabeeyey mudaneyaasha golahaas ku soo biiray lixdii sanno ee u dambeeyay.

 

Tobobarkan oo socday muddo sadex maalmood ah, Waxa ka hadlay  Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane oo Xoghaye hore uga soo noqday Golaha Guurtida Somaliland, Waxaanu  waxa uu xildhibaannada tabobarkaas qaadanayey u soo jeediyay in ay shaqooyinkooda ku dabaqaan aqoontii ay ka barteen tabobarkaas.

 

Waxa kale oo halkaas hadallo ka jeediyay xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaaxnuug, oo ka mid ahaa xildhibaannadii tababarkaas qaadanayey, Mahdi Cabdi Cali, oo ka socday hay’adda UNDP oo tobobarkaas maalgalisay iyo Hana Cabdisalaan Maxamed oo ka mid ahayd macalimiintii tabobarkaas bixinaysay, waxaanay sheegeen in tabobarkaasi ahaa mid xildhibaannadu u baahnaayeen, loona baahay yahay halkaas laga sii wado.

 

Ugu dambayntii Cabidnaasir Aadan Beegsi xoghayaha guud ee golaha guurtida Somaliland, ayaa sheegay tabobarkaas xildhibaanadii ka qayb qaatay ay ku barteen casharo la xidhiidha sidii loo dar-dar gelin lahaa shaqada xildhibaanada ee golaha guurtida, waxaanuu intaas ku daray in xildhibaanada carasho laga siiyay qodobada dastuurka iyo xeerarka kale ee quseeya shaqada golaha guurtida.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker