Maxamed Abokor Xaaji Faarax wuxuu ku dhashay magaaladda Burco, 1929

Maxamed Abokor Xaaji Faarax wuxuu ku dhashay magaaladda Burco, 1929. Allah Ha U Naxariistee aabihii iyo hooyaddii, Xaaji Abokor Xaaji Faarax iyo Kaaha Xaashi waxay ka mid ahaayeen shaqsiyaadkii rukunadda u ahaa magaaladda Burco.

Allah Ha U Naxariistee, Maxamed Abokor Xaaji Faarax markuu dhamaystay malcaamada Quraanka wuxuu ku biiray ardiydii ugu horeysay ee uu macallin u noqdo, AUN Maxamuud Axmed Cali.

Allah Ha U Naxariistee, Maxamed Abokor Xaaji Faarax, wuxuu ka dib waxbarasho u tagay Cadan iyo dalka Ingiriiska.

Waxbarasho ka dib marxuumku wuxuu ka mid noqday weriyayaashi iyo soo-saarayaashi ugu horreeyey ee laanta af-Soomaaliga ee BBC World Service.

Allah Ha U Naxariistee, Maxamed Abokor Xaaji Faarax, wuxuu dalka ku soo noqday markii xorriyaadii laga qataay isticmaarkii Ingiriisiga , wakhtigaa oo uu ku biiray wasaaradda Arrimaha Gudaha, halkaas uu ka gaadhay badhasaabka Gobolka Sanaag.

Marxuumku oo tababarkiisu ahaa saxaafinimadda wuxuu ku wareegay wasaaradda Warfaafinta ee dalkii lo odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya, halkaas oo uu ka soo qabtay xilal kale duwan.

Allah Ha U Naxariistee, Maxamed Abokor Xaaji Faarax, wuxuu muddo ka dib ku biiray wasaaradda Arrimaha Dibedda, halkaas oo uu ka soo shaqeeyey dalalka Ingiriiska iyo Nijeeriya.

Laga bilaabo 1987 ilaa iyo intii aanu hawl-gab noqon, wuxuu marxuumku, in muddo dheer ah, ka shaqeynayey dalka Isutaga Cimaraadka Carabta.

Allah Ha U Naxariistee, Maxamed Abokor Xaaji Faarax, wuxuu ifka kaga tagay shan carruur ah iyo ubadkay sii dhaleen.

 

 

Cali Maxamed

ruraledcomm@yahoo.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker