Madaxwayne Muuse Biixi oo ka Baaqday Shir uu kaga qaybgali lahaa Dalka Sweden , Balse Maxaa Baajiyay ?

Muqdisho (OWN)-Dowladda Sweden ayaa war kasoo saartay warar maalmihii ugu dambeeyay la isla dhex marayay oo ku aadan inay dowladda Sweden u diiday madaxweyne Biixi inuu safar ku tago magaalada Stockholm.

Wararka ayaa sheegaya in socdaalka madaxweyne Biixi ku tagi lahaa Caasimada Sweden uu La Xidhiidhay  ka qeyb galka DOOD ku saabsaneyd sida Somaliland ay ku heshay nabadda iyada oo ku taala gobol colaado badan ay ka jiraan.

Sida wararka aan ku heleyno warqad loo soo diray Madaxwayne  Muuse Biixi oo uu shirka uga qeygali lahaa ayaa waxaa ku qorneyd in uu khudbad ka jeedin lahaa kana hadli lahaa mowduucaas.

Hayeeshee markii ay warqaddaasi soo baxday ayaa la xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay la Xidhiidhay  Safaaradda Sweden ee Nairobi iyo Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas.

 

Labada dhinac ayaa hadda beeniyay inay ka warhayeen socdaalka madaxweyne Biixi ku tagi lahaa Stockholm, waxaana hadda baaqday safarka Muuse Biixi Cabdi ee magaaladaasi.

Socdaalka Muuse waxaa abaabulayay Dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku nool dalkaas iyo xildhibaan ka mid ah Guddiga saaxiibada Baarlamaannada Somaliland  iyo Sweden oo lagu magacaabo Magnus Oscarson.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan kulankaas waxaana baaqday safarkii uu Muuse Biixi uga qeybgeli lahaa iyada oo aan si rasmi ah loo shaacin in baajinta safarkaas dalbatay dowladda Federaalka ah.

 

 

Xigasho Caasimaddaonline

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker