Lacagta ay Dawladda Qadar ku bixinayso Garoomadeeda Ku Badda Cagta oo 17 jeer ka badan Miisaaniyada Somalia Ee Sannadkan

Tan iyo markii ay dowlada Qatar bilowday inay diyaariso garoomada iyo adeegyada kale ee loo baahan yahay Koobka Adduunka ee 2022, waxaa si weyn loo xiiseynayay in la ogaado qarashka ku baxaya howshaas baaxada weyn leh.

 

 

Isagoo sannadkan ka qeyb galayay shirka dhaqaalaha ee kagu qabtay magaalada St. Petersburg, Hassan Al Thawadi oo u Sareeya gudiga diyaarinta adeegyada Koobka Adduunka ee Qatar awaxa uu yidhi,

 

 

“Lacagta ku baxday Garoomada iyo adeegyada kale waxa ay gaareysaa lix bilyan doolar. Waxaa intaas sii dheer inay jiraan mashaariic horumarineed oo laga wado guud ahaan wadanka iyo maalgashi dhismayaal oo iyagana loo isticmaali doono Koobka Adduunka.

 

 

“Hamigeena waa uu ka weyn yahay kaliya Koobka Adduunka. Waxaan dooneynaa inaan horumarino dalka, oo aan maalgashi ku sameyno dhismihiisa. Tusaale ahaan, waxaan uga faa’ideysaneynaa dhismaha adeega gadiidka iyo weliba sameynta tareeno casri ah. Faa’idada kale ee uu mashruucaan leeyaay waa fursadaha shaqo ee soo baxaya” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Lix bilyan doolar oo lagu bixiyo diyaargarowga Koobka Adduunka waa lacag aad u badan, haddii si kale loo dhigo waa 17 jibaarka miisaaniyada dowlada Soomaaliya ee sannadkan ay ku shaqeyneyso oo gaareysa 340 milyan doolar.

El Thawady waxa uu sheegay inay mar walba xiriir la leeyihiin Ruushka si ay khibrad uga helaan madaama Russia ay martigelisay Koobka Adduunka sannadkii hore.

Ilaa iyo haatan labo garoon aya la dhameystiray garoomada Koobka Adduunka ee Qatar.

Al Janoub ayaa si rasmi ah loo furay 16kii bishii May waxaaa lagu ciyaaray Koobka Amiirka ee Qatar. Garoonka kalee isna la dhameystiray waa Khalifa International oo la furay bishii May 2017.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker