Khatarta caafimaad daro ee ka iman karta maarayn xumada qashinka kasoo baxa rugaha caafimaadka sida farmasiyada cusbitaalada

runtii waxa u baahan feejignaan dheerada sidii loo maarayn lahaa qashinka had iyo goor kasoo baxa goobaha caafimaadka oo ay ka iman karto khatar caafimaad daro halis ah hadii aan loo wajahin hab gaar ah oo waafaqsan sharciga ilaalinta fayadhowrka bulshada ku nool deegaankaas sida
pharmisiyada rugaha caafimaadka oo ay kasoo baxaan qashin halis galin kara noolasha aadamaha oo u badan irbado la isticmaalay qalanka dhaymaha qashinka hadhaaga ee kasoo baxa ilaha shaybaadhka oo u baahan in aad looga taxadiro waqtiga iyo qaabka loogu keydinaayo goobahaas waqtiga qaadida qashinkaas oo u baahan in loo maareeyo dad gaar ah oo u tabobaran si looga badbaado khataraha kaga iman kara maarayntiisa si walba ha ahaato waxa sii kordhaaya goobaha ganacsi ee gaarka loo leeyahay sida pharmasiyada rugaha caafimaadka cusbitaalada degmooyinka dalka
waxa dhacda inta badan in aynu ku baraarugno sidii aynu iskaga fogayno qashinkaas goobaheena ganacsi sida qashinka caadiga ah aynu u saaro gawaadhida qashinka wakhtiga qashin qaadista oo kale waxa soo raaca qashinkaas rugaha caafimaadka kasoo baxa in lasoo raaciyo daawooyin dhacay oo dhamaan inta badan lagu daadiyo goobaha qashin qubka oo ku dhexyaala goobo ay degan yahiin bulsho aan garanayn noocyada badeecadaha lagu soo daadiyo goobaha qashin qubka ama had iyo goor ka raadiyo waxyaabo ay ku daboolan bahiyaadka noolaleed ee qoysaskaas ag degen goobaha loogu talogalay qashin qubka caasimadaha hadababa inagoo la socona khatarahaas caafimaad ee ka iman kara qashinka kasoo baxa rugaha caafimaadka gaarka loo leeyahay waxa iyana iftiimin gaar ah u baahan tayo darada daawooyinka dalka dibada uga yimaada oo horseeday in suuq galin loo helo goobo pharmasiyo gaar loo leeyahay sidii daawooyinkaas loogu iibin lahaa taas oo aanay jirin sharcigii caafimaadka aasasiga ee dawliga ahaa ee lagula socon lahaa goobahaas ganacsi ee rugaha caafimaadka sidoo kale waxa loo baahan yahay in la helo shirkado maamuli kara qashinkaas kasoo baxa sida pharmasiyada rugaha caafimaadka cusbitaalada etc
Dawooyinka dalka dibada uga yimaada oo kusoo badanaaya suuqyada ganacsi ee dalka taas oo sababtay in shirkadaha daawooyinka dalka dibada ka keena aan lala socon sifaha sharci caafimaad ee ay ku ganacsanayaan iyo qalab lagu ogaan karo daawooyinku marka ay kasoo dagayaan dekadaha dalka taasi waxay sababtay in aanay bulshadu dareemi Karin khatarta caafimaad ee kasoo gaadhaya dawooyinkaas dalka yaala oo aan la hubin tayadooda waxtar ee ay u leeyahiin caafimaadka bulshada ku nool dalka
Dawooyinkaas oo ay bulshadu aad uga iibsanayaan farmasiyada ay leeyahiin shirkadaha daawooyinka keena maadama uu qiimaha daawadaas aad u jaban yahay waxa meesha ka baxday shaqadii wasaarada caafimaadka iyo hayada dhawrista tayadu ay ku lahayeen sidii loogu soo rogi lahaa sharci caafimaad oo lagula socdo daawooyinkaas iyo ka ganacsigooda
Dawooyinka dalka dibada uga yimaada waxa ka masuul ah dawlada dalkaa ka talisaa in ay hubiyaan maamulaan dalabka dalalka dawooyinka ay bulshada uga imanayaan si loo yareeyo khatarta caafimaad ee ka iman karta daawooyinkaas
Shirkadihii daawooyinka keenayey waxay ku bahoobeen urur ay ku ilaalinayaan dawooyinkooda si aan loo ogaan ama lala maamulo taas oo awoodi sharci ee dawladu ku lahayd uu meesha ka baxay maadama ay ku maamulayaan daawooyinkooda ganacsi dhaqaale lacageed oo u fudaydinaaya in ay keeni karaan dawooyin aan tayo lahayn iyagoo aan danaynayn dhibaatada caafimaad ee dawooyinkaas soo gaadhsiin karaan bulshadooda

Waxyeelada daawooyinka dalka yimaada ayaa ka badan faaidada looga baahan yahay in aynu ka helo daawooyinka
Dawooinka marka lasoo saarayo tayada leh waxa lagu tijaabiyaa nooc ka mida jiirarka waa daawooyinka ay tayadoodu aad u fiican tahay
Daawooyinka ka yimaada dalka india chine oo tayadooda waxtar aad u hoosayso marka la dhinac dhigo shirkadaha iyo warshadaha soo saara daawooyinka aduunka laga isticmaalo
Hadaba labadan dal oo uga faidaysta korodhka tirada dadkooda iyo bahiyaadka noolaleed ee ka jira waxay suurto galiyeen si tuuga ah in company soo saara daawooyinka ganacsi ee dalkooda in ay ku tijaabiyaan aadamaha ku nool dalkooda markay hubinayaan tayada daawada taa macnaheedu waxa weeye daawooyinkaas oo aan ahayn daawooyinkii saxa ahaa ee loo baahna

Waxa hayada dhawrista tayada dalku qabteen daawooyin copy ah oo ay ku qabteen iyagoo kasoo dagaya airport dalka hayada dhawrista tayadu may magacaabin shirkada daawooyinkaas ka masuulka ahayd wali lama hayo halka uu ku dabeeyey daawooyinkaas eedoodi sharci in maxkamad la hor gaynaayo iyo inkale dhacdadan ma aha mid ku cusub dalka
Iyadoo shirkadaha dawooyinka dalka soo dajiyaa ay sanadkasta ku dhacaan dawooyin aad u badan oo ay ku wareejiyaan dawlada hoose dawooyinkaas oo ay u dhintaan bahidooda daawo 100 laal Somali ah oo aan awoodin in dawooyin ay iibsadaan caafimaad qabkooda Dadwaynahii soomaaliyeed waxa ku dhacay ja hawareer waxa ay aqoon caafimaad bedeen dadkoodii dalkoodii doctor radoodii waxay najiido u heeleen jahawareer khal khal caafimaad buukaan saa id oo la kulmay qalab la an caafimaad tayo daro daawooyinka dalka dibada uga yimaada waxay kuyuu ugu jiraan goobahii farmasiyadii dalka oo sii badanaya maalinba maalinta ka dambaysa ka hor burburkii dawladii soomaaliyeed farmasiyada gobolada dalku way yaraayeen shaqadooda iyo maamulkoodu waxa uu ku hoos jiray qorshaha maamulka dawliga ah dawooyinkii dalka dibada uga iman jiray waxa ay ku jireen gacanta maamulkii dawliga ahaa ee waqtigaa jiray daawooyinku waxay ku iman jireen dalab qorshaysan oo laba dawladood oo leh tiraac iyo qanuun sharci dawladeed dawooyinkaas waxa ay ku soo dhici jireen xarunta qaybinta iyo keydinta daawooyinka spimo halkaas ayaa pharmasiyadana ay ka qaadan jireen daawooyinka farmasiyadu waxay ku shaqayn jireen shift duty radio hargeisa ayaa looga sheegi jiray dadwaynaha ku nool gobalada dalka farmasiga shaqaynaaya habeenkaa waxa laga sheegi jiray radio hargeisa waxa si fiican u shaqaynaayey cusbitaalada dawliga oo habeenka la shaqayn jiray farmasigaa shift shaqo u soo jeeda farmasigaa waxa uu lahaa waraaqo furnaanta sharci sida warqada xaashida soo eegista caafimaadka guud xaashida liisan ka ganacsi warqada ogolaanshiyaha wasaarada caafimaadka sidoo kale aqoontiisa caafimaad iibiyaha daawada farmasigu waxa uu ka diwaan gashanayd wasaarada caafimaadka
Farmasigu waxa uu only iibin jiray oo loo ogolaa dawooyin xadidan oo wasaarada caafimaadka dawligu ay maamuli jirtay
daawooyinku
manta dalka ma jiraan baahiyaadkii caafimaadka ee aasasiga dawliga ahaa oo qofkaan haysan wax lacag ah oo ku daweeyo caafimaadkiisa lacag la an ma jiraan waxa inta badan la arkaa markuu waayo daawo caafimaad dr isaga iyo qoyskiisuba inay u dhitaan daawo la an ama dr la an
ganacsiga daawooyinku waxa uu la mid yahay taariikhdii ganacsiga dadka ee Africa hadaba bulshadu runtii aad bay u dareensantay dhibaatada arimaha caafimaadka maxaa dawlada uga qorshaysan dhibaatooyinkan arimaha caafimaadka bulshada ee dadan goorma laga baadhi doona tayada daawooyinka dalka dibada uga yimaada iyo tayadooda waxtarla an dekadaha dalka

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux02010@gmail.com
063 4130821

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker