Dhegayso: Mucaaradka Dalka Sudan oo Aqbalay Wadahadal

Ergayga gaarka ah ee ay Dowladda Itoobiya u xil-saartay dhex-dhexaadinta dhinacyada isku haya siyaasadda Sudan, ayaa sheegay in hogaamiyaasha kooxaha dibadbaxyada ka wada Khartoum ay ogolaadeen ambaqaadidda wadahadallada nabadda.

Isaga oo wariyaasha kula hadlayay magaalada Khartoum, ayaa ergeyga Gaarka ah  ee Ethiopia, Maxmuud Dirir uu sheegay in Golaha Sare ee Milatariga uu isna ogolaaday dib u billaabidda wadahadallada, si xal looga gaadho khilaafka siyaasadeed ee uu dhiiga badan ku daatay ee ka taagan Suudan.

Haddaba, wararki ugu danbeeyay ee xaaladda dalka Sudan, ayaa Nur Hassan Nur uu ka wareystay Cabaas Maxamed Nur oo ah saxafi degan magaalada Khartoum.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker