Xisbiga Samadoon Waa Rajada Soomaaliya qore Zakariye cawad

Waxaan salaamaya bahda saxaafadda soomaaliyeed.
Sida aynu ula wada socono oo ay dad badani ka dhawaajiyeen in soomaaliya ay isbedel la taaban karo u baahantahay, hadaba waxa weeye sidee ayaa lagu gaadhayaa isbedelkaa? halkeese loo marayaa ama salaanka ugu dhow ee loo sii mari karaa waa kee?, waxay ila tahay in su’aashaa loo wada fahmo.
Bulshadii soomaaliyeed waxay ku dhacay jaho wareer waayo waxa jira xukuumaad ay tayadeedu ay hoos u taalo iyo Xisbi oo ka diwaan gashan dalka , higsanaya doorashadda 2020 oo dalka u soo celiyo karaamadii iyo horumarkii ay bulshadu danaynaysay mudooyin badan. Haddaba Maalmahan u danbeeyey waxa soo if baxayey itiin xisbi cosob aaminsan dumuqraadiyadda iyo horumarka , aaminsan caqiidada bulshoweynta soomaaliyeed ee ahlusunna wal jameeca, rabana in u kasaaro soomaaliya marxaladan ay ku jirto maanta.

Xisbigan waa SAMADOON oo dhawaan ka mid noqday xisbiyadii dalka laga diiwaan galiyay doorashadda 2020, gudoomiyihiisuna waa Prof. C/nuur maxamed yuusuf, hadii inyar idinka ifiimiyo Xisbiga bahweynta SAMADOON waa xisbi Qaran oo mug iyo miisaanba leh, wuxuu yahay Xisbi salka ku haya sooyaalka iyo raad raaca taariikhda halgankii shacabka soomaaliya, wuxuu yahay Xisbi ku gaashaaman aqoon, karti iyo hal iyo horumar iyo wanaag iyo adaygnimo.

Wuxuu yahay Xisbi khibrad u leh habka doblumaasiyadda iyo siyaasadda aduunka maanta ka jirta, wuxuu yahay Xisbi leh xeer iyo nidaam uu ku dhaqmo, oo dhaqan u lahaa is tix gelin, talo wadaag iyo isu tanaasul. Xisbiga SAMADOON waa xisbi hoggaan iyo hab maamul oo isku kalsoon oo ay hagaan hadaf iyo himilo siyaasadeed oo cad iyo shuruuc iyo kala danbayn leh, maaha xisbi la yareesan karo waayo waa bahweyn shicib.

Sida o wada ognahay in u hogaanka SAMADOON guulo fara badan kala soo hoyday gobolada dalka oo meel walba xafiis ka furtay lana taageeray si buuxda, oo bulshoweyntuna ay aad u soo dhaweesay , Prof C/nuur maxamed yuusuf waa siyaasi ruug cada oo Khibrad wayn u leh Siyaasada soomaaliya ,waana horyaalka Siyaasiyiinta Maanta guushu u dhowdahay.

Soomaaliya waxay soo martay marxalaado fara badan oo saamayn wayn ku yeelatay shacabweynaha soomaaliyeed, waaxana ila tahay dadkuna isku raaceen ninka xoriyadda aaminsan iyo horumar kuna guulaysan doono in soomaaliya qadiyadeedi ay lalahaato saaxiibo fara badan, dibna u soo celiyo karaamadii soomaaliya lahayd ,kana saaro siyaasad xumida ay maanta marayso, sugayaana codka shacabweynaha 2020,ninka albabadeeda ufarayana waa musharaxa xisbiga SAMADOON prof. C/nuur maxamed yuusuf.

Somaaliya Guul ayaan u rajeynayaa iyo is afgarad natiijadiisu tahay isbedel keena 2020. Aamiin.

 

Qore Zakariye cawad dhunkaal

Cansoma.ca@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker