Siyaasi Yuusuf Garaad oo farriimo isbarkan u diray Madaxda Maamul Goboleedyada ku shiraya Nairobi

Waa farriin ku socota Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ku shiraya Nairobi.

Mudanayaal, Madaxweynayaal, iga hooya salaan Soomaalinnimo, salaan saaxiitinnimo oo Muqdisho ka timid oo aan khadka idiin soo marinayo.

Waxaan qiyaasayaa Ramadan iyo waddac ka dib in aad quraac wanaagsan qaadateen, qadaduna ay idiin soo carfeyso. Allah ha idiin daaweeyo.

Waan ku kalsoon ahay in aad maanka ku haysaan in aad u maqan tihiin Soomaali qaarkood badani aanuu labada midna haysan.

Walaalayaal waan jeclaa in shirkuunnu uu ku qabsoomo dalka gudihiisa. Waxaan ku kalsoonahay in aad idinkuna sidaa jecleydeen. Ma dhicin. Sababta idinka ayaa iga og.

Waan ogahay Dowladda Federaalku dhaliil, laba iyo ka badanba in ay leedahay.

Ma ahi dadka ku soo baraarugay muranka hadda ka dhashay shidaalka iyo madasha doorasho ee mid ama laba Dowlad Goboleed ku soo fool leh iyo Hannaanka doorashada Federaalka.

Intaa ka horow, waan la socday khilaafka. Waan ogaa in ugu yaraan mid idinka mid ahaa xilka looga tuuray si aan munaasab ahayn. Waan ogahay murashax fursadi u muuqatay in uu xorriyaddiisa ku waayay dembi aan hore loogu eedeyn. Waan ogaa in dhiig Soomaaliyeed iyo mid shisheeyaba uu ku daatay.

Waa ogahay mid kale oo idinka mid ah muddo dheer lagu hayay xasillooni darro siyaasadeed oo, aragtideyda, Federaalku haddaanuu curinteeda lahayn uu ugu yaraan hurinteeda ku lug lahaa.

Khilaafkaas oo markii uu billowday aan ka dhowrsaday iskana diiday in aan ku dhexmilmo, waa tii mar dambe warqad ka soo baxday Wasaarad aan Wasiirkeedu ka raalli ahayn la damcay in lagu kala diro Dowlad Goboleed. Taasi waxay qeyb ahaan sabab u noqotay dhismaha Golihiinna iyo shirkii Kismaayo.

Waan qabaa in dhacdooyinkaas ay Puntland doorashadeedii gayeysiiyeen in ay irdaha ka xirato Mas’uuliyiinta Federaalka inta tabarteed ah. Waa tallaabo aan Soomaali ku farxi karaa jirin, haddana qiil haysata.

Federaalku marka uu ka habaabo waddada, kana xishoon waayo xadgudubka noocaas ah, intii uu jiho khalad ah u xawaareyn lahaa waan qabaa in la joojiyo.

Isla mar ahaantaas, waxaan qabaa in Dowladda lala shaqeeyo.

Waliba hadda oo awood-yari, culeys badan oo gudaha ah iyo culeys ay Dowlado na saareen intuba ay Soomaaliya ku goobteen, waxaan qabaa in aan la wiiqin Dowladda ee garab iyo gaashaan loo noqdo.

Haddana waxaan qabaa in Dowaldda lala xisaabtamo. Waliba si adag. Si la mid ah sida ay iyaduba xaq ugu leedahay in ay idiinla xisaabtanto.

Waxaan qabaa in mooradeenna dhexdeeda lagu xisaabtamo.

Heerka uu khilaafku hadda gaaray iyo xilliga uu ku soo beegmay, midkoodna uma roona hanaqaadka Dowladnimadeenna curdunka ah. Labada midna ma sahlayo kor u qaadidda kalsoonida uu shacabku ku qabo Dowladda aad idinku ka midka tihiin Madaxdeeda.

Ma qabo in khilaafka hadda idiin dhexeeya looga sii daro. Mana qabo in uu sii jiitamo. Waxaan qabaa in aan is arag laga quusan.

Ma qabo in khilaafka looga sii daro, oo caasimado shisheeye loo raro, sababta oo ah ma xammili karno, waana ka soo kornay shir Soomaaliyeed oo ka dhaca dal shisheeye.

Ma qabo in khilaafku uu sii jiitamo, waayo wakhtigu waa warmoog oo kama warqabo khilaafka. Wakhtigu uma hakanayo xalraadin ee sidiisii ayuu u xawaareynayaa kol dhowna wuxuu na geynayaa xilliga doorashada.

Waxaan qabaa in aan is arag laga quusan.

Waxaan qabaa in majliska minankeenna sharafta leh lagu dhex murmo.

Waxaan qabaa in aan Gobol keliya loo fakarin ee heer Qaran loo fekero. Gobol badbaadayaa ma jiro haddaan Qaranku badbaadin. Gobol keligii horumar weyn oo taabba-gal ah sameyn karaana ma jiro.

Muqdisho marti kama tihiin. Waa caasimaddiinna. Waxaan qabaa in aad timaaddaan, Madaxweynaha iyo Madaxda kalena aad la gorgortantaan.

Ma fududa. Laakiin yaa yiri arrimaha Soomaaliya ayaa fudud? Yaa yiri sida dal dib loogu dhiso ayaa fudud?

Mar kasta oo ay sii dheeraato muddada la kala maqan yahay, wakhtiga doorashada ka dhimmani isaga oo aan ka warqabin khilaafka uu ku xawaareynayo hoos-u-tiris aan la hakin karin, kala fogaashuhu wuu sii qoto dheeraanayaa, wuuna sii xoogeysan doonaa. Labada dhinac ee khilaafku u dhexeeyo, wuxuu mid waliba ku go’aan qaadan doonaa tuhun, xumo-filasho, baqdin iyo yaan lagu gaadin.

Madaxweynow, intaas midkoodna ma aha waxa ay kaa sugayaan dadka ku doortay.

Fool-ka-fool in loo wadahadlo waxay keeni kartaa isu soo dhowaasho iyo in xal la gaaro. Waan ogahay Garowe ayaad isku daydeen in is-af-garad la gaaro. Laakiin inta khilaafku uu taagan yahay, wakhtiguna xawaareynayo, ma ahan in laga quusto is arag iyo wadahadal oo ah dariiqa keliya ee idiin furan.

Haddii aad xallin weydo mushkiladda, ugu yaraan garawshiyo ayaad ka heli doontaa shacabka, waa haddii aad gar leedahay, bulshadana aad la wadaagto.

Waad ogtihiin markii aad idinku ku baaqdeen shir, oo Madaxweynaha aad u yeerteen in uu idiin yimid. Keliya ma aha ee in uu hore u soo waday Wasiirro dhowr ah iyo Hormoodkooda.

Waxba kuma jabna ee waa geesinnimo iyo Soomaalinnimo in aad martiqaad la’aan aad idinku u timaaddaan.

Si gaar ah waxaan Madaxweyne Siciid Cabdullaahi xusuusinayaa, fursadda gaarka ah ee isaga u furan. Madaxda kale hore ayay isugu soo daaleen. Wejiga ugu cusub Madaxweynayaashu waa adiga. Doorasho la isku khilaafsan yahay kuguma soo socoto.

Dowlad Goboleed guun ah oo miisaan siyaasadeed iyo khibrad isku darsatay, dhulkeeduna inta badan badan uu nabad yahay ayaad Madax ka tahay. Nin dhallinyar oo mustaqbal hoggaamineed leh, Puntland iyo ka weynba waad tahay.

Mas’uuliyad gaar ah ayaa kaa saaran xallinta khilaafka. Mas’uuliyad keliya ma aha, haddii aad guul ka soo hoyso, waa dhigaal qofeed oo kuu yaalla Baanka Dhexe ee wanaagga ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, hal Soomaaliya ayaan wada nahay.

Madaxweynayaal, ka quusta in aad ka quusataan wadahadal.

Madaxweynayaal, ka quusta in aad ka quusataan Dowladda.
Waayo mid kale ma lihin.

W/Q: Yuusuf Garaad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker